Madaxtooyada Somaliland oo sannadkan ka baaqsatay Xafladda dabbaal-degga Xuska 18 May

qaqaHargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa sannadkan Hakisay Munaasibad loogu dabbaal-dego Xuska maalinta Madax-bannaanida Somaliland ee 18-May oo habeenka ka dambeeya maalintan lagu qabto Aqalka madaxtooyada oo ay ka soo qayb-galaan madaxda dalka ugu sarreysa iyo dadweyne lagu marti-qaado, halkaas oo lagu soo bandhigo masrixiyad suugaaneed iyo madadaalo lagaga hadlo qiimaha maalintani u leedahay Qaranimada Somaliland.

Munaasibadda lagu qabto Aqalka madaxtooyada ee lagu weyneeyo maalinta oo si toos ah looga baahiyo Telefishanka Qaranka iyo telefishannada gaarka loo leeyahay qaarkood, ayaa ka sokow Riwaayadaha iyo Suugaanta lagu soo bandhigo, waxa hadallo kooban oo dabbaal-degga maalintan xambaarsan ka jeediya madaxweynaha Somaliland oo shacabka fariin uga dira isla markaana ku hambalyeeya maalintan.

Tallaabadan oo noqonaysa markii u horeysay ee Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka baaqsato in Munaasibaddan lagu qabto Aqalka madaxtooyada, ayaan la garanayn sababta keentay iyo waxa kallifay toona, haseyeeshee, waxa ay madaxtooyadu taas beddelkeeda u xil-saartay wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka gaar  ahaan Waaxdeeda Dhaqanka oo ay hoos-yimaaddaan bahda Fanka ee dowliga ah, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku mashquulsanaa diyaarinta masrixiyado xambaarsan suugaan ka tarjumaysa maalintan iyo Qiimaha ay Qaranka u leedahay.

Bahda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, ayaa shalay ilaa maanta ku mashquulsanaa diyaarinta Riwaayado ay ku qabteen xarunta wasaaradda Warfaafinta, kuwaas oo loogu talo-galay in laga baahiyo telefishanka qaranka Habeenka Salaasadu soo galayso, iyadoo dabaaal-degga maalinta 18-May ku beegan tahay maalinta Isniinta ee todobaadka soo socda. Barnaamijyada diyaarintooda ay ku hawlan yihiin Shaqaalaha telefishanka Qaranka iyo Bahda Fanka ee Wasaaradda Warfaafinta, ayaa loogu talo-galay in baahintooda la sii daayo telefishanka Qaranka isla markaana ay beddel u noqdaan Munaasibaddii lagu qaban-jiray Aqalka Madaxtooyada habeen oo kale.

Tallaabadan, ayaa noqonaysa markii u horeysay muddo-xileedka Shanta Sanno ku dhow ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka baaqsato inay munaasibadda weynaynta maalintan ku qabato Aqalka madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net