Madaxtooyada Somaliland oo maamuus sare ku qaabishay Mulkiilaha Shabakadda Somalilandpress

Hargeysa (SLpost)-Masuuliyiinta Madaxtooyada Somaliland ayaa saaka si meeqaam sare ah qasriga madaxtooyada ugu qaabbilay Mulkiilaha Shabakadda Wararka ee Somalilandpress.com Maxamed Ibraahim Guuleed oo socdaal hawleed ku ku jooga Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxa qasriga madaxtooyada ku qaabbilay Mulkiilaha Shabakadda Somalilandpress.com Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Xaaji Cali Xasan,oo ay wehelinayeen Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan, ayaa uga mahad-celiyey Mulkiilaha shabakadda wararka Internet-ka Somalilandpress.com oo Luuqadda Ingiriisida wax ku qorta, hawsha qaran ee ay hayso iyo weliba horumarka ay dalka gaadhsiiyey muddadii ay jirtey.
“Somalilandpress.com waa biriijka Somaliland iyo caalamka isku xidha ee ay wararka dalka ka qaataan, waxaanad gudatey xil ku saaran oo Qaran, waayo? Qofkasta oo muwaaddin ah waxa saaran xil-qaran oo ka saaran dalkiisa, dadkiisa iyo horumarintooda.”Ayuu yidhi Wasiir Xirsi.
Md. Wasiir Xirsi waxa uu ku boorriyey Maxamed Guuleed inuu dedaalkiisa halkaas ka sii wado oo uu ka midho-dhaliyo himilada Qarankiisa iyo tiisa gaarka ah-ba. Wasiir Xirsi oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Annagu waannu ku og-nahay heerka iyo sumcadda aad waddanka gaadhsiisey, weligaana lagu illaabi-maayo adiga iyo inta kula midka ah.”
Mulkiilaha Shabakadda Wararka luuqadda Afka Ingiriisga lagu qoro ee Somaliland Maxamed Ibraahim Guuleed, ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu qaabbilaad heer sare ah ku qaabbilaan Masuuliyiinta dawladda Somaliland, gaar ahaan Madaxtooyada dalka looga taliyo.
Md. Maxamed Guuleed waxa uu ka sheekeeyey horumarka ay ku tallaabsatey muddaddii ay jirtey Somalilandpress.com, isaga oo xusay inuu caalamku wararka iyo xogta Somaliland oo ku qoran Luuqadda caalamiga ah ee Ingiriisida ka helaan. “Wararka aannu turjunno waxa naga xigta Website-yada iyo Joornaallada ka soo baxa dalka Mareykanka ee daneynaya Somaliland. Waxaan hadh iyo habeen aniga iyo inta ila shaqeysaa ku hawlannahay tebinta wararka Somaliland oo ah warar xaqiiqada ku saleysan oo lagu kalsoon-yahay,”ayuu yidhi Maxamed.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay inuu imika ku hawlan yahay heerka ay imika marayaan inay kor uga sii qaadaan, isaga oo ku dooday inay arrimo baddan ku soo kordhin doonaan.

Shabakadda Somalilandpress.com ayaa ah Shabakad caalami ah oo wax ku qorta Luuqadda Ingiriisida, isla markaana ah Shabakaddii ugu horreysay ee Muwaaddin reer Somaliland ahi leeyahay ee Luuqadda Ingiriisida wax ku qorta, taasoo meesha ka saartay warar been abuur iyo borobagaando u badan oo ay Somaliland ka tebin jireen Shabakadaha Ingiriisida wax ku qora ee gacanta ugu jira shakhsiyaad Somaliland iyo Qaddiyaddeeda ka soo horjeeda.

SOMALILANDPOST.NET

SLpost News/Hargeysa