Madaxtooyada Somaliland oo ka hadashay Xadhigga Xildhibaan Dhakool, eedaymona u jeedisay Guddoomiye Cirro

Hargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska loo haysto iyo dariiqa loo maray Xadhigga Xildhibaan Dhakool Maxamed Axmed Dhakool oo dhowaan shir-jaraa’id oo uu qabtay kaga soo horjeedsaday xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-May oo uu ku tilmaamay mid aanay u dhamayn shacabka Somaliland isla markaana gaar u tahay beelo gaar ah.

 

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Cismaan oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay madaxtooyada, waxa uu sharraxaad ka bixiyey nidaamka loo maray xadhigga xildhibaanka oo si weyn loo maray dariiqa sharci ee loo maray.

 

Waxa kale oo uu Afhayeenku ka  jawaabay eedaymo uga yimi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo dhaliilay siyaasadda hoggaamineed ee madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisaba.

 

Muuqaalkan Hoose Ka Daawo Hadalka Afhayeenka