Madaxtooyada Somaliland oo ka hadashay Murashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo iyo tuhunno shaki ka muujiyey inuu Mar labaad Tartami karo bulshadu shaki ka muujisay

Hargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland ayaa ka dareen-celisay in warar lagu sheegay inaanu madaxweyne Siilaanyo diyaar u ahayn inuu mar kale u tartamo kursiga madaxtinimada dalka ee muddo-xileedkiisu gabaabsiga yahay isla markaana uu doorashada soo socota u tanaasulay xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada iyo Xisbiga Kulmiye, sida warbaahinta dalka qaarkeed lagu baahiyey maanta.

madaxtooyada (1)Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo u taagan yahay una sharaxan yahay doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo badhtamaha sannadka 2015-ka, waxaanu been cad iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay warka arrintan la xidhiidha ee la baahiyey saxaafadda dalka.

“Waxaan halkan ka caddaynayaa in Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu u taagan yahay murrashaxna u yahay doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo, waxa kale oo aan beeninayaa warka maanta ay daabaceen wargeysyada Ogaal iyo Geeska Afrika oo ahaa mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin, ma jirto meel madaxweynaha Somaliland kaga hadhay tartanka doorashada, waxaanu u sharraxan yahay kalkiisa labaad ee dastuurka dalku u baneeyay,” Sidaas waxa yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo khadka telefonka ugu warramay wariye ka tirsan shabakadda Gudgudenews, isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa qaarkood, ayaa caddadyadoodii maanta oo ay warkan ku daabaceen, waxa ay ku sheegeen in madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay loolanka madaxtinimada ee doorashada soo socota isla markaana uu diyaarinayo siyaasigii ku habboonaan lahaa beddelkiisa ee sannadka soo socda doorashada madaxtooyada u meteli lahaa xisbiga Kulmiye, kuwaas oo ay Wargeysyadu ka magacaabeen Wasiirro ka tirsan xukuumadda Siilaanyo iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye.

SOMALILANDPOST.NET