Madaxtooyada oo Jawaab ka Bixisay Hadal Muj. Cali Guray ku dhaliilay Hoggaaminta iyo Go’aan-qaadasha Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa shir-jaraa’id oo uu caawa ku qabtay xarunta khasriga Madaxtooyada, waxa uu si adag uga jawaabay dhaliilo Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) u jeediyey Xukuumadda Somaliland.

Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee UCID oo shalay warbaahinta ula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay shakhsi aanay u dhammaystirneyn astaamaha  hoggaamiyinta toosan, isaga oo ku dhaliiley  Go’aan qaadasho la’aan, waxaanu  Cali Guray ku dooday inaanay siyaasadda madaxweyne Siilaanyo dalka ka badbaadinayn Xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan Dalku marayo. Waxa uu sidoo ka hadlay mawqifka xisbigooda ee shirka Soomaalida ee London lagu qabanayo badhtamaha bisha May ee Sannadkan.

AFHAYEENKA MADAXTOOYADAAfhayeenka Madaxtooyada oo daba socda dhaliishaas Cali Guray u jeediyey Madaxtweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, waxa uu xukuumadda ka fogeeyey dhaliilahaas loo jeediyey, isaga oo dhanka kale ka hadlay waxqabadyada xukuumadda Kulmiye iyo Arrimo kale.

Halkan ka Dhegayso Afhayeenka Madaxtooyada

Afhayeenka Madaxtooyada

SOMALILANDPOST.NET