“Madaxtooyada S/L Waxa Ay Ku Foogan Tahay Kala Qaybinta Shacbiga Reer Somaliland, Iyo Raad-Caynta Guul-Wadayaal Gudhan Oo Garashadii Iyo Dadnimadii Siistay Shillimaad Yar Yar” Cali Yuusuf (Cali Guray)

Hargeisa(SLPOST)Mr Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), Waxa Uu Walaac Geliyey Qaabka Loo Xusi Doono 18-Ka May Waa Bisha Fooda Innagu Soo Haysee Oo Ku Beegan Sanad-Guuradii 23aad Ee Gooni Isu-Taaga Jamhuuriyadda Somaliland, Waxaanu Shaaciyey In Madaxtooyada Siilaanyo Ay Ku Foogan Tahay Kala Qaybinta Shacbiga Reer Somaliland, Isla Markaana Ay Raad-Caynayso Guul-Wadayaal Gudhan Oo Garashadii Iyo Dadnimadii Siistay Shillimaad Yar.

download (19)

Guddoomiye Ku-Xigeenka Saddexaad Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Mr Cali Guray Waxa Uu Sidaas Ku Sheegay Qoraal Kooban Oo Uu Ku Baahiyey Barta Uu Ku Leeyahay Facebook-Ga, Waxaanu Yidhi “Xataa Hadii Aan Ku Suganahay UK Haddii Alleh Yidhaa 18 May Ma Garanayo Sida Iyo Halka Aan Ku Xusi Doono Munaasibadaasi Oo Ah Mid Taariikhi Ah

Sida Aynu Uga Baranay Xukuumaddan Ama Aan Idhaahdo Madaxtooyada Siilaanyo Waxay Isticmaalaan Kombuutar Muwaadiniinta Kala Qayb-Qaybiya Oo U Kala Saara Qolo-Qolo, Iyo Kacaan Iyo Kacaan Diid.” Ayuu Yidhi Guddoomiiye Ku Xigeenka Saddexaad Ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf. Waxaanu Intaas Ku Daray Oo Uu Yidhi

“Ilayn Waa Xukuummad Leh Hab Dhaqankii Tii Siyaad Barre Oo Lafteedu Faqash Kale Ah Waxay Jecel Yihiin Madal Guul-Wadahu Is Qaatay Oo Ay Ka Hadlaan Inta Gudhan Ee Galoofta Ahiye Waxa Lagu Hayaa Noqon Maayo Wax Qanac Leh Ee Waxa Uu Noqon Karaa Uun Guul-Wade Siyaad,Aabihii Garashada, Geyigayagow.

Xataa Lagama Yaabo Dadka Cid Uga Warami Karta Sidii Ay Wax U Dhaceen Maalintaa Lafteeda Inay Goobta Ka Soo Xaadiraan,.” Ayuu Yidhi

Mar Kale Cali Guray Waxa Uu Ka Hadlayaa Maalinta La Xusayo Ee 18-Ka Bisha May Oo Taariikh Dheer Shacabka Reer Somaliland Ugu Fadhida Sida Loo Qiimo Tirayo Ee Xukuumaddani Hanaankii Iyo Habkii Ay Lahayd Looga Duwaayo, Isagoo Ka Hadlaayana Waxa Uu Yidhi “Marka Aan Taa Ogahay Aniga Wax Xiiso Ah Oo Ii Haya In Aan La Guulwadeeyo Guulwadayaashu Ma Jiraan.

Xaqiiqada Maanta Ina Hor Taalaana Waxay Tahay 18 May Haddii Aan Loo Hiilinayn Oo Aan Loo Aarayn Wax-Ba Uma Tarayso In Loo Ooyo Ama Loo Dabaaldegaa Marka Gebi Ahaanba Guushii Halgankii Dib U Xoraynta Somaliland Uu U Dhurto LAF GURI TAAL OO DHURWAA WALIBA UU RUUGI KARO,Inta Ka Qayb Qaadata Xuska 18May Hadii Aanay Noqon Dad Hoos Loo Soo Wada Taabtay Oo Sooc Ah Lagu Na Iidamay Shakhsiyaad Faro Ku Tiris Ah Oo Gaadh Laga Hayo Sida Aynu Ka Aragnay Madalo Badan Oo Magaca Xukuumadan Lagu Soo Agaasimay Kumbuyuutarka Ayaa U Kala Saaraya,

WAA INAGA

INAGA MAAHA

WAA IYAGA

IYAGA MAAHA”

 

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland