Madaxtooyada oo Shahaado-sharaf ku maamuustay Marwo Khadra Xaaji Geydh

Hargeysa, 31 March, 2012 (SLpost)- Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde ayaa Munaasibad ay Maanta ku qabatay Qasriga Madaxtooyada waxay Shahaado sharaf ku Gudoonsiisay Maayar ku xigeenka Magaalada Gebilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh .

Waxaa munaasibadan ka qayb galay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada,Xildhibaano, Haween , iyo Qaar ka mid ah madaxda aqalka Madaxtooyada.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay ayaa sheegay in waxqabadkii dhinacyada kala duwan lahaa ee ay marwo khadra xaaji Gaydh ka hirgalisay Magaalada Gebilay mudadii ay Maayarka ka ahayd ay tahay ta keentay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu ku cadeeyo khudbad sannadeedkii uu labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada waxaanu wasiirku intaas ku daray in Marwo Khadra ay tusaale fiican u tahay maayarada dalka.

Marwada Madaxweynaha J.S.Land Aamina Waris Sh.Maxamed Jirde oo madashaasi ka hadashay ayaa tilmaantay doorkii firfircoonaa ee Maayarkii hore ee Gebilay ay ka qaadatay horumarinta kaabayaasha kala duwan ee nolosha bulshada gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka,Waxbarashada, Wadooyinka iyo Wixii la mid ah.

Marwada Madaxweynuhu waxay sheegtay in Khadra Xaaji Gaydh ay sumcad iyo magac balaadhan u soo hoysay Guud ahaan haweenka Somaliland isla markaana ay ku baraarujisay sidii ay dumar weynaha Somaliland uga dhigan lahaayeen astaan ay ku daydaan.

Aamina Sh.Muxumed Jirde waxaa kale oo ay sheegtay in xilka qaranku uu yahay mid meerto ah waxaanay u soo jeedisay maayarka cusub Inuu halkii ay dhigtay ka sii ambo qaado waxqabadyadii ay hirgalisay maayar ku xigeenku

Waxaa kale oo halkaasi ka hadashay maayar ku xigeenka magaalada Gebilay narwo khadra xaaji gaydh.

dhinaca kale waxaa iyana halkaasi ka hadashay maayar ku xigeenka magaalada Gebilay Marwo khadra xaaji gaydh oo tilmaantay Mudadii ay hogaaminta golaha deegaanka ee gebilay ay gacanta ku haysay inay ku dadaali jirtay sidii ay raad muuqda uga tagi lahayd marka xilka laga wareejiyo waxaanay ku amaantay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland inuu dalka ku  hagayo balan qaadyadii uu ummada u qaaday xiligii ay ku gudo jireen ololihii doorashada madaxtooyada .