Madaxtooyada Oo Ka Hadashay Hal Xil Oo Loo Wada Magacaabay Laba Masuul

Hargeysa(SLpost)-Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in aanay jirin xil isku mid ah oo loo magacaabay laba masuul, waxaanu gaasimihii hore ee wasaarada arimaha gudaha sheegay in laga dhigay garyaqaanka guud ee qaranka kadib markii garyaqaankii guud uu dibada ugu baxay deeq waxbarasho.

waxaana qoraalka madaxtooyadu soo saartay oo faahfaahsan uu u dhignaa sidan

WAR-SAXAAFADEED

Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku cadaynayaa in, Abdisamad Cumar Maal, oo ahaa La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah, in si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay ku simaha, garyaqaanka guud ee Qaranka, ka dib markii garyaqaankii guud ee qaranku Mudane Ibraahim Iidle Saleebaan uu deeq Waxbarasho oo “Sannad iyo Badh ah”uu ugu baxay Dalka Koonfur afrika.

Sidaa darteed, Af-hayeenka Madaxweynaha JSL, wuxuu qoraalkan ku caddaynayaa in aanay jirin hal xil oo isku mid ah oo uu Madaxweynuhu u magacaabay laba masuul oo kala duwan.

Ugu danbayntii, Mudane Fahmi Cabdi Bidaar ayaa ah La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah sidii ku cadayd warsaxaafadeedkii kan ka horeyey.

 

 ALLAA MAHAD LEH

 Af-hayeenka Madaxweynaha JSL