Madaxtooyad Iyo Wasaaradda Arrimaha Dibada Oo Weli Aan Ka Hadlin Baaqii Beesha Caalamka

(SL.Post) Madaxtooyada Somaliland ayaan weli wax jawaab ah ka bixin war-murtiyeed culus oo ay dalalka beesha caalamku kaga jawaabeen dib u dhigistii doorashada.

Madaxtooyada-somaliland

War-murtiyeedkaas, ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee ay dalalka Somaliland taageeraa soo saareen, waxaanay sheegeen inaan abaarta laga dhigan cudur daar dib loogu dhigo doorashooyinka, iyagoo golaha guurtida iyo maxkamadda sare ugu baaqay inay go’aankaas dib u eegis ku sameeyaan si aanu u saamayn wada shaqaynta beesha caalamka iyo xukuumadda Somaliland.

Hase yeeshee, madaxtooyada Somaliland ayaan weli wax jawaab ah ka bixin dhambalkaas oo ay dalalkani soo mariyeen warbaahinta islamarkaana ku baahiyeen barta ay wasaaradda arrimaha dibadda Denmark ku leedahay Internetka.

Geesta kale, wasaaradda arrimaha dibadda ayaan iyaduna wax jawaab ah ka soo saarin qoraalka dalalka Somaliland ka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Somalilandpost.net