Madaxda Wasaaradda Beeraha oo soo Kormeeray Dhul Beereed Ka Tirsan Gabiley

 

Gabiley(SLpost)-Wefti uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Faarax ayaa maanta kormeer ku sameeyey xidhitaan iyo wax qabasho lagu sameeyey dhul beereed laago ku samaysmeen oo ku yaala deegaano hoos yimaada Gobolka Gabiley.

Weftiga Agaasimaha Guud hogaaminayey oo ay ka mid ahayeen Af-hayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi, Isuduwaha gobolka Gabiley ee Wasaaradda Beeraha C/risaaq Sh. Muxumed Gaboobe iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Concern Worldwide.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha oo deegaanada beeralayda ah ee uu kormeerka ku sameeyey ka mid ahaayeen Botor, Geed Abeera, Ilinta/Guriga Cad iyo Sitiile ayaa waxa ay dadka deegaanku ka warameen noocan beer wax ka qabasho ee lagaga hortagayo nabaad guurka iyo dooxyo ka dhex dilaaca beeraha, kuwaasi oo ka bilaabma laago yar yar oo beerta ku samaysma.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay mahada ALLE ka dib u mahad celinayaan hay’adda Concern Worldwide oo ka taageertay wasaaradda wax ka qabashada beerahan, isla markaana xidhitaan laagaha beeraha ka samaysma iyo beerta oo nidaam casriya loogu diyaariyo biyo qabatinka ku samaysay beeraha deegaanadan.

“Waxaan halkan aad uga mahad celinayaa hay’adda Concern Worldwide oo geed abeera ilaa Bandiska oo aanu soo soconay ku samaysay wax ka qabasho oo halkan beero ayey ahaan jireen wax se looga guuray dil dilaacyo ay ku sameeyeen daadadku, imika se marka la qabtay waxa laga yaabaa inuu qofkii beertay ku soo noqdo” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha, Cabdilaahi Ismaaciil Faarax.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray “Abaaro ayaa taagan cid kale u caban maynee ILAAHEY ayeynu u cabanaynaa oo baryada ILAAHEY aynu ku noqono oo isaga dambi dhaaf iyo inuu raxmadiisa inoo shubo waydiisano, waxaanan idinkula dardaarmayaa inaynu maanta wax qabsano oo beerta ayaa la inoo xidhayaa ee aynu jaadka aynu kharashka yar ee ina soo gala ku bixinayno aynu iska dayno oo aynu wax wada qabsano”

Muxumed Axmed Qawdhan oo ka mid ah dadka deegaanka Botor oo ka tirsan Gobolka Gabiley ayaa ka waramay waxa uu u qabto mashruucan beeraha wax lagaga qabanayaa waxa uu yidhi “Mashruucan waxa uu noo qabtaa inuu beeraha noo xidho oo shaqaalaha ka shaqeeyaa waa dadka deegaanka intii cagaftu qaadan lahaydna dadkayaga ayay gashaa, markaa waa laba fa’iido”.

Isuduwaha Gobolka Gabiley C/risaaq Sh. Muxumed Gaboobe oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi “Muhiimada laga leeyahay hawshan waxa weeyaan in qofka beeralayda ah garto in xooga uu isticmaalayaa uu kiisa yahay oo dhaqaale lagu siinayo, isla markaana si uu hadhaw u sii wato wax ka qabashada beertiisa iyo ka hortagida in beertiisu ay noqoto daad biyo mareen ah, waxaanan uga mahadnaqayaa hay’adda Concern Worldwide oo naga aqbashay wax ka qabashada arintani”.

Eng Mubaarig Maxamed Maxamuud Oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda Concern Worldwide ayaa sheegay in ay hay’adoodu tahay mid yar balse aan hawl qabad yarayn, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Meelahani waxa ay ka mid yihiin beeraha ay hay’addu ka shaqayso waana hay’ad yar oo hawl qabad badan, balse waxa ay qabanayso Wasaaradda Beeraha kala tashata”.

Weftiga ayaa kormeer ku sameeyey goobaha beeraha laaguhu ku soo socdeen wax laga qabtay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Botor, Geed Abeera, Ilinta/Guriga Cad iyo Sitiile