Madaxda Kulmiye ee gobollada Maraykanka oo Isku raacay Isbeddel lagu sameeyo Maamulka Sare ee Xisbiga u qaabilsan dalkaas oo hoggaamintooda la qawada

kulmiye
Colorado (SLpost)- Aqlabiyadda masuuliyiinta ugu sarraysa madaxda Xisbiga Kulmiye ee gobollada Maraykanka, ayaa taageero u muujiyey go’aamo ka soo baxay shir muddo laba malmood ah magaalada Kansas ee gobolka Missouri ee dalkaas ugu qabsoomay Madaxda, Aqoonyahannada iyo taageeraasha Xisbiga ee dalkaas.
War-saxaafadeed naga soo gaadhay Guddoomiyaha Gobollada Dhexe ee Maraykanka u qaabilsan Xisbiga Kulmiye Dr Jamaal Cabdi Xasan oo ay ku saxeexan yahay Madaxda Xafiiska Xisbiga Kulmiye ee 15 gobol oo dalka Maraykanka ah, ayaa lagu taageeray go’aamo ka soo baxay shirka oo maalintii Jimcaha la soo geba-gabeeyey, iyadoo go’aamadaas ay ku jireen sidii wax ka beddel loogu samayn lahaa hoggaanka guud ee Xisbiga u qaabilsan Maraykanka oo muddo xileedkoodu dhammaaday, isla markaana lagu dhaliilay tayadooda hoggaamineed oo sida la sheegay caddaalad-darro iyo musuq-maasuq daashaday. War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-
“Annaga oo ah masuulinta iyo maamulka gobolada dhexee iyo badhtamaha Maraykanka ee xisbiga Kulmiye, waxaanu taageeraynaa shirkii ku qabsoomay magalada Kansas ee gobolka Missouri Kaasi oo ay ka so bixeen go’aamo wax ku ool ah Oo aanu u aragno in ay dano badan iyo Masiirka Xisbiga Kulmiye ugu jiraan. Sidoo Kale waxa aan ugu baqaynaa gobolada Kale ee USA ee xisbiga Kulmiye in ay sidoo Kale taageeraan go’aankan wax ku oolka leh. Magacyada masuuliyiin Xisbiga Kulmiye ee ku saxeexan warsaxaafadeedka.
1) Xaaji Mahamed Cabdi Warabi Gudomiyaha gobolka Missouri
2) Dr Mahamed Calin Cabdi G/G. Oklohama
3) Canab Muse G/G. Taxes
4) Caadil Mahamed Cumar G/G. Arizona
5) Dr Mukhtar Yusuf Gool G/ gobolka Iowa
6) Mahamed Said salax g/g Colorado
7) Cabdirisaq mumin magan G/G. Utah
8 )Dr Dahir Omar Jama G/G Wyoming
9) Sayid Cali Ahmed Ibrahim G/G. Nebreska
10) Cabdi Yusuf Ahmed G/G. Kansas
11) Casha Khalif Hussein g/g Nevada
12) Cabdinasir Bookh Sugaal, G/G. New Mexico.
13) Axmed Xuseen Muxumed – G/G. Ohio
14) Dr Mahad Yonis Wacays – G/G. Wiscason
15) Fadxi Ducaale – G/G. Tennesse.
” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Gobollada Dhexe ee Maraykanka u qaabilsan Xisbiga Kulmiye Dr Jamaal Cabdi Xasan.