Madaxda Dhaqanka Gobolka Awdal oo si Adag uga ka hadlay Muranka Arrimaha Doorashada, Shacabkana baaq u diray

Boorama (SLpost)- Salaadiinta iyo Wax-garadka Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay xiisadda ka soo cusboonaatay natiijada aan wali la shaacin ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxaanay shacbiga ugu baaqeen inay xasiloonidooda ilaashadaan isla markaan meel uga soo wada-jeestaan wax kasta oo ammaanka dalka waxyeello u geysan kara.

Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka waaweyn ee gobolka Awdal oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Borama, waxa ay sheegeen in guddiga Doorashooyinku masuul ka yihiin natiijada iyo hawsha Doorashada.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN