“Madaxda dhaqanka ee labada dhinac waxaan ugu baaqayaa inay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-galaan daminta colaaddaasi”- Madaxweyne Biixi

Hargeysa (SLpost) – Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqaaqo khasaare nafeed sababta oo laba beelood oo walaalo ah maanta ku dhexmartay Deegaan ka tirsan Degmada CeelAfweyn ee gobolka Sanaag.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada,  waxa uu Md Biixi laba dhinacba ugu baaqay inay joojiyaan colaadda isla markaana wixii ismandhaaf ah lagu dhammeeyo wadaxaajood iyo isu tanaasul.

12Warsaxaafadeedka ayaa lagu yidhi,  “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa baaqaasi ku yidhi “Waxa aan ugu baaqayaa beelaha ku dagaalaya degaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Darar-weyne inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda soo noq-noqonaysa ee dhex taalla labada beelood ee walaalaha ah.

Mar labaad iyo mar saddexaadba waxaan idinku baaqayaa inaad colaadda damisaan oo aad Alle ka cabsataan, hoosna u eegtaan dhiiga bilaa micnaha aad u daadinaysaan ee aad agoomaha iyo goblanka kaga dhigaysaan hooyooyinka iyo caruurta, sideedaba dagaal wiil kuma dhasho ee wiilbaa ku dhinta. Dilka iyo dhiiga micno darada ku daadanayaana dadkeena kama go’o, ee wixii is maandhaaf ah  ee jira waa in lagu dhammeeyaa is afgarad lanna tixgeliyaa nabadgelyada, is xaqdhawrka derisnimo ee wada noolaanshaha iyo degenaanshaha leh.

Sidoo kale waxaan madaxda dhaqanka ee labada dhinac ugu baaqayaa inay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-galaan daminta colaaddaasi, una hoggaansamaan ciidamada amniga ee ku hawlan arrintaasi garab buuxana ku siiyaan sidii dagaalkaasi loo joojin lahaa.

Ugu danbayn waxaan tacsi u dirayaa dhamaanba ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, inta dhaawaca ahna waxaan Alle uga baryayaa caafimaad taama inuu siiyo. Waxaanan ku celinayaa baaqaygaasi nabadgelyada ah in loo hoggaansamo lanna joojiyo colaadda, anigoo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka iyo cid kasta oo u faro dhuudhuuban arrintaasina faraya inay ka hawlgalaan sidii loo xakamayn lahaa colaaddaasi  ee loo joojin lahaa sida ugu dhakhsaha badan,” sidaas lagu yidhi warsaxaafadeedka.