Madaxda Cay Aad Caan Noqotid Eh! – W/Q: Maxamed Ibraahim

Waxaa baryahan danbe soo badanayay  maqaalo  kala duwan oo lagu soo saaro  warbaahinta wadanka  qaarkood, kuwaas oo ku can baxay in lagu dhaleeceeyo ama lagu ceebeysto madaxda qaranka. Hadaba waxaa  is waydiin mudan dadkan qoraya maqaalada noocan ah ee aflagaadada cayda iyo ceebaynta iskugu jira maxay ka faa idayaan? Ma toosin bay ka tahay? Maka cadaawadbaa? Mise waaba ka garaad iyo ilbaxnimo?  Waxayba se u egtahay madaxda cay aad can noqotid eh bal adba!

Qofka binu aadamka ah waa la toosiyaa hadii uu qaldamo ,  oo waxaa qaldamay  aabaheen AADAM C.S  markuu iblays ugu dhaartay geedkii alllaah S.W udiiday. Markaas qofku wuu qaldami karaa oo ibnu aadam baynu u nahay , balse  qofna wuu is xasuustaa oo qaladkiisuu saxaa qofna qofkale ayuu ALLAH S.W  sabab uga dhigaa. Sidaa daraadeed hadii aad ruux walaalkaa ah dhaliilku aragto waxaa lagu saxaa sida ugu wanaagsan, ugu asturan , ugu ixtiraamka badan, ee uu isna kaaga qaadankaro adna wax ugu sheegi karto. Hadii se aad shirdhexdii wax ugu sheeg istidhaahdo  waxsheegaagaa waxba u ma arkayo wax aan aflagaado ahaynna uma qaadanayo. Waxaana lagayaabaa inaad kala kulanto waxii kuu muuqday wax ka duwan. Hadaba waxaa taa ka siidaran in aad iska dhaleecayso qof aan wax khalad ah galin wana  danbi  adana lagu waydiin qiyaamaha  marka aad  ruux ku sheegto waxaanu ahayn   adaana lagu sulaali  maalin aad maant ka taagdarantahay  , waxaa xusid mudan  in warbaahintu tahay seef labaga galleh , oo xumaan iyo samaanba loo adeegsan karo . ha isku dayin in aad u cistimaasho  xaga xun  wayo ?   way kaa qabsanaysaa waxaana lagayaabaa inay noloshaada danbe saamayso , xaga rabi baana wax laga xukumaaye dadka iyo dalkana lagaa karho. Hadiise badalkeeda aad u isticmaasho xaga wanaagsan  waxaa hubaal ah inaad noqonayso qofwanaagsan oo dadku jecelyihiin dalkana qiimo wayn ugu fadhiya .waxaanan runtii qalinka uqaatay , oo igu kalifay inaan maqaalkan qoro , dhalinyaro walaaleheen ah oo warbaahinta u isticmaala inay madaxda qaranka ceebaystaan ama ku aflagaadeeyaan  masuuliyiinta qaranka horaa loo yidhi “afxumo nabadna waykaa ka xaysaa colaadna waxba kaagama tarto”  waxaanan leeyahay dhalinyarta ka waantooba waxka sheega  birmagaydada, ama haldoorka qaranka, waa aabayaasheen, adeeradeen, abtiyaasheen, walaaladeen, iyo ilmaadeeradeen uun.  Hadaba waxaa hubaal ah hadii aad caydo aabahaa inaad adna caayantay.  Isku soo wada duub oo markaad waxqorayso waxaad la hadlaysaa umad aqoonyahan ah oo meel fog wax ka eegaysa , sidaa darted waa inaad qortaa wax macquul ah oo dadku fahmi karaan oo wax ku soo kordhiya oo yayna noqon wax xanaf,xanuun iyo xumaan ku reeba

  Wabilaahi tawfiiq

By  Mohamed Ibrahim Abdi

E-mail : maxamedibrahin02@hotmail.com