Madaxbanaanida Somaliland waa Muqaddas – By Faa’iz Maxamed Khaliif

Dhawaan waxa hawada isku shareeray hadalhaynta Shirka u qabanqaabinayo Ingiriisku ee ka dhacaya London oo xukuumada waqtigana ku noqday laf dhuun gashay hadaba waxa iswaydiin iyo ka baarandag mudan Shirka iyo ujeedadiisa, iyo faaidada ugu jirta ee ay ka helayso haday ka qaybgasho;waxa kale oo waajiba in la ogaado Somaliland haba ka qaygashee maqaam intee leeg ayay ku leedahay Shirka. Hadba an ooogta ka cadeeyo Tusmada Shirka halkay Somaliland kaga jirto: hadii Shirkan u qabanqaabinayo ingiriisku ay Somaliland ka qaybgasho waxay isku meel soo wada fadhiisanayaan Maamul goboleedkii shalay! lagaga dhawaaqay Dagmada TALEEX ee Gobolka Sool (Khaatumo State of Somalia), hadaba ma kula qurux badan tahay shirka noocaas ah in ay Somaliland ka qayb gasho, isla markaana meel la fadhiisato Maamul Goboleedyada Somalia ee uu ugu dambeeyey kii lagu mijo xaabinayey muqadasnimada Dhulka, Dadka iyo Dawladda ee dhawaan lagaga dhawaaqay Taleex.

Waxa marag ma doon ah in shirkani lagaga wada hadlayo sidii Dawladda taagta daran ee ku meel gaadhka ah ee Somalia (TFG) ay ugu bixi lahayd ku meel gaadhnimada loona heli lahaa Qaran Somaliyed oo taabo gal ah oo ay ku naaloodaan umadda Koonfurta Somalia ee uu ragaadiyey Dagaalka ku reebay bur burka ku muuqda dhulka iyo dadka Koonfurta Somalia.

Sidaa darteed inooma haboona soo hadal qaadka Shirkani ka qayb galna daa hadalkii, waayo? Nin caalim ah ayaa la weydiiyey sheekh Findhicilku ma Xalaalbaa mise waa Xaaraan?, waxaanu u jawaabay si xigmadaysan waxaanu yidhi “soo hadal qaadkiisa ayaa xun”, waxaan sidaa u leeyahay shirka ayaan xog badan ka hayaa oo sida la wada ogyahay xulista guddida hagaysa shirka oo ka kooban shin iyo toban xubnood, lix ka mid ah waxa soo xulatay Dawladda taagta daran (TFG), halka inta kalena Mahiga iyo col uu ku jiro oo ah cadawga hilaaban ee Somaliland ay dooreen soona xuleen.

Ka muwaadin ahaan waxaan hogaanka talada haya wakhtigan xaadirka ah u soo jeedinayaa in aanay gacantooda ku gawricin MAANDEEQ jiritaanka Umadda Somaliand ee qaangaadhka ah, hadaba Madaxweynaha iyo colkiisa waxaan leeyahay oo aan talo ahaan u soo jeedinayaa weedh ku jirta gabaygii ALLE  ha u naxariistee Ibaraahim Gadhle ee ahayd (Maskaxdaadu yey noqon maqal lagula leeyahay, yaan toban muftaax iyo lagu furin masaabiir, magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, hadba kii muraad leh ha uga dhigin maqaar saar”, ta kale sida jirta Shirkan waxa gadhwadeen ka ah Dawladda Uganda oo iyaduna doonaysa in ay ka midho dhaliso Heshiiskii Kampala Koodh ee dhacay Raysal Wasaare Farmaajo oo ay Xukuumaddiisu ahayd tii ugu roonayd ee Somali soo marta muddada bur burka, hadaba sida uu dhigayo Caqliga fayoobi looguma talo gelin Somalida in wax loo dhiso, balse Duminteeda hadba cidbaa Mashruuc ku qaadata oo waa Qawda Maqashii waxna ha u qaban, shirkana waxa uu la sumad amase ka liitaa kuwii tirade badnaa ee hore loo arkay maxsuulkooda, waxa kale oo jirta in Dawladda Somaliland rabto inay shirkaasi u diraan Wefti ay ku tilmaameen diblamaasiyad ahaan in uu meeqaamkiisu hooseeyo  oo uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyada Somaliland Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan, taas oo inaga dhigaysa wax afka diblamaasiyada loo yaqaan (stata persona non grata), sidaa awgeed waxa inala gudboon in wefti hoose iyo mid sare toona kaga qayb gelin shirkaasi, waayo ka qayb galkiisa liita waxa inooga magac roon inaga oo ka maqnaana oo diidna gebi ahaanba.

Cali Guray-na waxaan leeyahay Mujaahid ha ina maax duminin hana taageerin shir jiritaanka Somaliland ee aad ogtahay waxaynu saymo u soo marnay ee aad garanayso raga aynu ku weynay ka soo horjeeda, mar kale waxaan leeyahay yaan lagu khaldin oo warxumo tashiilku iska kiin hor keenin adiga iyo dadkaaga, ka qayb galkaaga Siyaasaduna yaanu kaa dhicisoobin, waayo shirkaa Somaliland iyo Asaniya, Khaatumo ayaa isku meel looga wada xadhig jiidayaa, nin habradayna adiga maaha.

LAWYER/POLITICIAN/EDUCATOR:Faa’iz Maxamed AwKhaliif