Madaxa Sirdoonka Maraykanka oo dhaleeceeyey madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan

Washington (SLpost)- Agaasimaha Sirdoonka qaranka Maraykanka James Clipper ayaa shaaca ka qaaday jiritaanka halis weeraro maleeshiyaadka shabaab la maagan yihiin Kenya, iyo wadamada ciidamadu ka joogaan ee gobolka.

madaxa-sirdoonka-MaraykankaSida lagu daabacay wargeyska East African ee ka soo baxa dalka Kenya, Mr. Clipper oo doraad warbixinta xaaladaha amaan siinayey guddiga nabadgelyada aqalka odeyaasha Maraykanka ayaa sheegay in wadamada barriga Afrika culays ku noqon doonto ilaalinta goobo badan oo xasaasi ah.

Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Maraykanka oo ka hadlayey xaalada Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ayaa dhaleecayn u soo jeediyey Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Salvakiir., sababo la xidhiidha maamul-xumadiisa, waxaanu yidhi, “Hufnaanta iyo isku-haleynta xukuumada Soomalaiya waxay halis u tahay dagaalka siyaasadeed ee joogtada ah, hogaaminta liidata ee Madaxweyne Xasan, karti-darada hay’adaha xukuumada, iyo liidashada qaabka maamul iyo siyaasadeed ee dalkaa.” Ayuu sheegay Mr. Clapper. Isagoo raaciyey.

“Musuqmaasuq baahay’ waxuu saamayn ku yeelan doonaa Koonfurta Sudan, isla markaana qaab maamulka keli-talisnimo ee Madaxweyne Salvakiir wuu sii socon doonaa.”

Mr. Clipper ayaa sheegay,  in helitaanka koboc dhaqaale ee Koonfurta Sudan adkaan doono, sababo la xidhiidha liidashada xaalada amaan ee dalka. Maalgashedayaasha caalamku shaki ayey ku jiri doonaan, maadama laga soo daadgureeyey dhamaan diblomaasiyiintii shisheeyaha bishii hore.

SOMALILANDPOST.NET