Madaxa FIFA Ee Bolivia Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Bolivia, (SLpost)- Xidhiidhiyaha kubadda cagta ee dalka Bolivia, Carlos Chavez ayaa la xidhay ka dib baadhitaan musuqmaasuq oo dalkaasi laga sameeyay.

Waxa baadhitaanka ka qayb galaya laamo la dagaallamaya dembiyada musuqa la xidhiidha oo ay ka mid tahay waaxda cadaaladda ee Mareykanka oo qayb ka ah baadhitaanka fadeexadda FIFA.

Mr Chavez waa kayd hayaha xidhiidhka kubadda cagta ee koofurta America ee, CONMEBOL.

Waxa lagu xidhay gudaha dalka Bolivia, ka dib markii cadeyn la tusay maxkamad ka shaqeysa baadhitaannada lacagaha ee ciyaaraha kubadda cagta ee Bolivia.

Waxa sidoo kale la baadhayaa xubno kale oo ka mid ah maamuleyaasha ciyaaraha ee dalka Bolivia.

Baadhitaanka Mareykanka uu hogaaminayo ayaa hadda waxa diiradda lagu saarayaa xidhiidhka kubadda cagta ee Waqooyiga America Concacaf iyo ka koonfurta America Conmebol.