Madax-dhaqameedka Somaliland Qaarkood oo taageeray Qorshihii Xukuumadda ee taakulaynta Abaaraha Soomaaliya

Madaxdhaqameedka Xukuumadda Taageeray

Hargeysa (SLpost)- Qaar ka mid Salaadiinta Somaliland ayaa soo dhaweeyay qaylo-dhaan ay dhawaan xukuumadda Somaliland u gudbisay bulshada, taasoo ku wajahnayd sidii wax loo gargaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.

Salaadiintan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa waxay si wadajir ah usoo dhaweeyeen baaqa xukuumadda ee ay guddi qaran ugu magacawda taakulaynta dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku habsadeen, sidoo kale waxay baaqyo u direen ummada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Madaxdhaqameedka Xukuumadda Taageeray

Suldaan Axmed Daahir Muuse ayaa ka hadlay nuxurka shirka jaraa’id ee Salaadiinta waxaanu yidhi: “Ujeedada shirkayagan jaraa’id waa aanu doonayno inaanu kaga hadalno arrin khuseeya walaalaheena Soomaali Koonfureed ee dhibaatooyinku ku dhaceen, waxaananu doonaynaa inaanu wixii nagaga haboonaa ka nidhaahno, arrinkaasoo ay nagu xukumayso walaalnimo, jiiraanimo iyo islaamnimo. Haddaanu Salaadiintii Somaliland nahay waxaanu taaganahay Suldaan geed hoostii maaha caalamka meel kasta oo uu joogaba waa ka Suldaan.” ayuu hadalkiisa kusoo koobay.

Waxa isaguna ka hadlay shirkaa jaraa’id Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waxa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfurta ay isugu biireen laba dhibaato oo kala ah dagaal iyo abaar, isla markaana waxa uu shacabka iyo dadka wax bixin karayaba ugu baaqay inay caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed. “Illaahay nimcooyinkiisii wuu inoo dhamaystiray amni ayuu ina siiyay, barwaaqo ayuu ina siiyay, nabadgelyo iyo barwaaqo markaad heshana nolosha inteedii badnayd waad haysaa. Runtii walaalaheena Koonfur ku nool labadaasiba way ka maqan yihiin, “ ayuu yidhi Suldaan Cumar

Waxaanu Illaahay uga baryay Suldaanku Illaahay nabadii xasiloonidii u soo celiyo, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: “Illaahay waxaynu ka baryaynaa inuu usoo celiyo, waxaan usoo jeedinayaa cidkasta oo wax bixin karta inay Illaahay dartii wax u bixiso oo cidkasta oo u baahan in la caawiyo haddii ay noqoto mid Somaliland jooga iyo haddii ay noqoto mid Soomaaliya gudaheeda joogaba in dadka wax la bixi karayaa ay u kacaan, dhibaataduna waa meerto oo habeena adiga ayay kula joogtaa, habeena way kaa maqan tahay, sadaqaduna waa balaayo xijaab, inaga in Illaahay nabadeena iyo barwaaqadeena inoogu sii wado ayaynu ula niyoonaynaa inaynu sadaqaadkaa u bixino, qofkuna aakhiradiisa ku wanaajisto.”

Sidoo kale Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale ayaa isaguna si baaq adag u diray bulsho waynta Somaliland gudo iyo dibadba, waxaanu Suldaanku hadalkiisa ku bilaabay. “Dadka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba waxa looga baahan yahay gurmad bani’aadamnimo oo xilkasnimo ah oo dadkaa Salaadiintu ka hadleen ee aynu marna jiiraanka nahay, marna wada dhalashadu inaga dhaxeyso ee Soomaaliya la yidhaahdo ee masiibadu ku habsatay ee dagaalo, barakac iyo abaaro ay isu bedeleen inaynu u gurmano, maanta waxa socota gurmad bani’aadanimo oo caalamka oo dhan ka socota      oo gaalo iyo muslim wixii wax u tarayaaba ay u gurmanayaan, dadka isugu xiga ayaynu nahay haddii la eego dhalasho iyo jiiraanimo, inaguna Illaahay mahadii maanta waynu ladanahay, mar haddii aynu ladanahay waxa inagu waajib ah inaynu u gurmano, dawlada Somaliland way ka hadashay gurmad qaran ayay ku baaqday qaybteediina way ka qaadatay, anagaa kaa ka duulayna anaguna waxaanu ka qaadanaynaa kii dhaqanka, dadkaasi gurma ayay inaga mudan yihiin, gurmadkaas yaan loo kala hadhin.”

Suldaan Aadan Faarax ayaa isagun ka mid ahaa Salaadiintii shirkaa ka hadashay. “Dadkaas dhibaatadu ku habsatay waa dad aynu walaalo nahay oo aynu waxkastaba wadaagno oo maanta dad inaga fog ayaa u gurmanaya, wax inaga horjoogaa inaga markaa ma jiraan, wixii siyaasad ah dawlada ayaa u xilsaaran inagu waxaynu salaadiin ahaa ka hadlaynaa wixii wanaag ahaa dadkaa wax lagu tari lahaa, bulshada reer Somaliland waxaanu leenahay ka dibada jooga iyo gudaha jooga iyo cid walba, waxaanu leenahay hala muujiyo walaalnimo, si Illaahayna inoogu naxariisto, iyaguna masiibada ku dhacday ay ogaadaan inay ciddi ka dambayso.” ayuu yidhi Suldaan Aadan.

Boqor Cali Xuseen Kaahin ayaa isaguna baaqyo nabadeed u diray Kooxda Al-shabaab, TFG iyo AMISOM, waxaanu yidhi Boqor Cali. “Waxaan leeyahay dadka gacanta ku haya dadka baahan ee Koonfur ee dawlad ama nimanka la yidhaahdo Al-shabaab, waxaanu leenahay xabada haka joojiyeen, ciidanka Afrikaanka ah ee meesha duqaynayana inay ka joojiyaan oo maanta arrinta Soomaali loo daayo ayaanu anagu jecelnahay.” ayuu Boqor Cali Xuseen, waxaanu intaas ku daray.  “Somalialnd-na sida dawladuba ku dhawaaqday ayaanu in dadkaas baahan la caawiyo ayaanu ugu baaqaynaa.”

Suldaan Cali Cumar ayaa isagana waxa ka mid ahaa hadaladiisii. “Anaga baaqayagani waa baaq ay diinta islaamku ina farayso oo qof kasta oo muslim ah meel kastaba ha joogee ku ah waajib inuu ka hadlo, baaqaasina waxa weeyaan masiibadaa maanta koonfur ka taagan, waxaanay si gaar ah uu u taabanayaa abaaraha taagan maanta, Illaahay aadamihiisa ma kala jecla, laakiin haddana waa uu kala duwan oo waxaad arkaysaa mid abaar lagu saliday iyo mid dheragsan, waana imtixaan, imtixaankaas haddii aynu nahay reer Somaliland waa la inagu eegayaa, maadaama oo la inagu eegayo, waxaynu leenahay meel kastaba aynu joognee dadkaa in loo kacaa waa waajib ina saaran.”