Madax-dhaqameedka Koonfur/Bari Hargeysa oo Xukuumadda ku Eedeeyey inay fidno ka Abuurayso Bulsahda ku dhaqan Banka Qool-caday

Hargeysa (SLpost)- Salaaddiin iyo Cuqaal ka soo jeeda Degaanka Banka Qool-caday oo u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Sallaxley oo Xukumaddu u qorshaysay inay ka samayso seerayaal, ayaa ka digay dhib ka dhalan kara haddii Xukumaddu isku daydo Xidhida Seeraha Qool-caday.

Madax dhaqameedka oo Shir Balaadhan ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay inaan dadka degaanku Ogolayn Seerayaasha Wasaaradda Xanaanada Xooluhu halkaasi ka wado. Waxay Madaxdhaqameedku ka digeen isku dhac dhex mara dadka deegaanka oo hubaysan iyo Xukumadda oo halkaasi ku adkaysanaysa in la Seeraynayo.

Muranka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo dadka deegaanka ayaa sii Xoogaysanaya. waxaanay dadka deegaanku doodayaan in dhulkaasi ugu faa’iido badan yahay Banaanaanta oo Xoolaha iyo dadka doolka ahiba ugu daaqaan.

Salaadiinta iyo Cuqaashan ayaa soo jeediyay in aan Seerahaasi lagu dhibaatayn dadka deegaanka, islamarkaana lagu waxyeelayn Amaanka Guud.