Madax-dhaqameedka iyo Wax-garadka Degmada AGABBAR oo Raalli-gelin siiyey Badhasaabka iyo Maayarka Gabiley

 

Gabiley (SLpost)- Madax-dhaqameedka, Odayaasha iyo Waxgaradka degmada Agabbar ee gobolka Gabiley, ayaa raalli-gelin ka bixiyey hadallo ay hore ugu dureen Badhasaabka gobolka Gabiley iyo Maayarka degmada Gabiley.

Kulan ay Madaxda dhaqanka, waxgaradka iyo odayaashu maanta ku yeesheen magaalada Agabbar, ayey hadallo mahadnaq, raalligelin iyo isa sixitaan ah ka jeediyeen.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Odayaasha