Madax-dhaqameed Ururrada iyo Axsaabta ugu Baaqay inay Aqbalaan Natiijada Doorashada Goleyaasha Deegaanka

Hargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa ugu baaqay tartamayaasha ku loolamay doorashada golaha deegaanka inay aqbalaan natiijada rasmiga ee laga filayo guddida doorashooyinka qaranka.

Madax-dhaqameedkan shirka -jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Axmed Nuur Samaalle, Suldaan Axmed Daahir, Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi, Suldaan Aadan Faarax, Suldaan Naasir Cabdi Muxumed iyo Suldaan Maxamed Maxamuud Xayd, waxay u soo jeediyeen axsaabta iyo ururrada siyaasadda inay xaq dhawraan codbixinta doorashadii dalka uga dhacday hanaanka nabad-gelyada ah.

Salaadiintu waxa kale oo ay dadweynaha Somaliland u soo jeediyeen inay ku faro-adaygaan nabad-gelyada iyo midnimadda dalkooda.

Salaadiintu waxay ku booriyeen axsaabta siyaasadda inay is dejiyaan oo ay aqbalaan wixii natiijo ah ee Komishanka doorashooyinku ka soo saaraan.

Madax-dhaqameedku waxay ugu shacbiga Somaliland ee ku dhaqan goboladda dalka ay ku bogaadiyeen nabad-gelyadii iyo jawigii ay doorashadii deegaanku wadanka uga dhacday. Waxa kale oo ay hambalyo u direen ciidamaddii Nabad-gelyadda iyo hawl-wadeenadii komishanka ee ka hawlgalay goobihii codbixinta doorashada deegaanka oo ay tilmaameen inay dalkooda sharaf u soo hooyeen.

SomalilandPost.net/Hargeysa