Madax-dhaqameed iyo Waxgarad ka Digay Cawaaqib-Xumo ka Dhalan karta Natiijo la’aanta Fal-dhagareedkii lagula Kacay Xarunta Wargeyska Hubaal, xukuumaddana u Jeediyey Baaq isugu jira Canaan iyo Gar-naqsi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, ayaa loogu baaqay inay iska dul-qaaddo tuhunka raadkiisa la hayo iyo natiijada Baadhista fal-dhagareedkii lagula kacay Xarunta Wargeyska Madaxa-bannaan ee Hubaal oo niman hubaysani bishii hore weerar ay ku qaadeen dhaawacyo ugu geysteen masuuliyiinta iyo hawl-wadeenno wakhtigaas ku sugnaa Xarunta Wargeyska.

Madax-dhaqameed, wax-garadka iyo Culimo-awdiinka magaalada Hargeysa oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa madaxweyne Siilaanyo xusuusiyey doorkii uu ka qaatay la-dagaalanka iyo sidii uu uga dagaalamay Cabudhinta iyo ku-xadgudubka Xoriyatul-qawlka, isla markaana ay weli xukuumaddiisa uga fadhiyaan natiijada baadhistii lagu waday raggii loo qabtay falkii lagu weeraray Xarunta Wargeyska Hubaal.

Cismaan Cabdilaahi Cigaal oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa ka hadlay kaalinta saxaafaddu kaga jirto dhismaha Qaranimada, waxaanu madaxweynaha xusuusiyey mawqifkii uu ka taagnaan jiray cabudhinta iyo Qoriyatul Qawlkan, waxaanu yidhi,  “Madaxweyne  waxaad tahay shakhsi ka soo dagaalamay cabudhintii iyo Cuno-qabatayntii xorriyatul-qawlka iyo xorriyadda Saxaafadda, Falkan foosha xun ee Wargeyska Hubaal lagula kacayna maaha mid aad ka adkaysan karto,  aduunweynuhuna hoosta ayey arrintaas ka xarriiqeen waxaana uu mudan yahay inaad si qoto dheer uga daba tagto oo aad si mug leh u baadho, waxana waajib ah inaan saxaafadda la aamusiin oo aan la cabudhin  maadaama ay saxaafaddu tiirka Afraad tahay, saddexdii kalena adigaa gacanta ku haya, taasina waxa ay muujinaysaa inay saxaafaddu ixtiraam mudan tahay.”

“Weerarkii Wargeyska Hubaal waxa uu marayaa 60-habeen intaas oo dhanna waxaanu dadka nabadgelyada u xilsaaran ka sugaynay inay natiijo keenaan, maadaama raadkii ciddii falkan geysatay la hayo, maantana waxa halkan na keenay aamusnaanta iyo hurdada ay galeen wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Jananka Boolisku, waxaana aanu u aragnaa inay arrintaa si badheedh ah uga seexdeen waayo ka gungaadhideedu way fududahay maadaama la hayo rag ka mid ah kuwii falkan xun geystay,” Sidaas waxa yidhi Suldaan Xuseen oo ka mid ah Madax-dhaqameedkii kulanka ka hadlay.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo ka mid ah culimada Caasimadda ee sida weyn looga yaqaano dalka, ayaa sheegay in Xukuumadda looga fadhiyo natiijada Kiiska Weerarkii Wargeyska Hubaal, waxaanu yidhi, “Maanta (shalay) inagoo aan waxba xumaynayn waxa aynu tilmaamaynaa inay xukuumaddu ku qaldantay wargeyska Hubaal oo arrintaas dawgeedii looga fadhiyo, umana fadhino inaynu madaxweynaha Ammaano, kolay waxaan ka mid ahay dadka jecel  in maamulka la toosiyo.

Wallaalayaal waxbadan baa inaga dhexeeya oo Nabad baynu haysanaa laakiin falkii argagixisada ahaa ee Wargeyska Hubaal ku dhacay wax la qaadan karo ma uu ahayn Haddii la qaatana Somaliland  sidan kusii jiri mayso, waayo, wanaag, isutanaasul, wax-wada lahaansho iyo is-ixtiraam ayeynu halkan ku soo gaadhnay.”

Sheekh Aadan-Siiro waxa uu soo qaaday xuquuqda Islaamku Qofka Muslimka ah u siiyey sinnaansha Sharciga iyo xorriyaddiisa, waxaanu ka digay haddii dhacdadan sida sharciga wax looga qaban-waayo, inaanu falka noocan ahi ku koobnaan doonin Wargeyska Hubaal, balse uu saamayn ku yeelan doono muwaadin kasta, “Shareecada islaamku waxa ay leedahay dadku way u siman yihiin Hantida iyo Garsoorka, macnaheeduna waa keenna ugu aqoonta badan leh iyo keenna ugu faqiirsani waa in marka ay gefaan, garsoorka si caddaalad ah sharciga loo hor geeyaa. Xorriyaddu waa middii aynu  u soo dagaallanay ee aynu u soo halgannay, arrintii Hubaal ka dhacdayna anigu khudbad dhamaystiran ayaan ka sameeyey, waayo haddii aan  maanta la joojin keena ugu awoodda badan leh ayey berri ku imanaysaaa,” ayuu yidhi Sheekh Aadan.

DSC04331Sheekhu waxa uu baaq iyo talo-soo jeedin u jeediyey garsoorka iyo masuuliyiinta Xukuumadda ee arrintani khusayso, waxaanu yidhi, “Annagu maanta odhan mayno Beel, waana nidaam jira oo ka dhex samaysmay Somaliland oo ujeeddo gaar ah leh, haddii wax laga qaban waayona Somaliland halis bay ku keenaysaa, qofkasta oo waddanka u dhashay oo la dulmiyona oo sidaas oo kale lagu sameeyo waxaanu u taaganahay inaanu difaacno oo aanaan ka gabban, arrinkanina waa dulmi. Garsoorkana waxan  leenahay waar hore arrinta haloo dhameeyo, haddii taas la yeeli waayona waxa ay noqonaysaa in qofku gacantiisa uu sharciga ku fushado oo amnigu khalkhal galo, waxaana dhici doonta in sidaas maanta loo tamashlaynayaa ay meesha ka baxdo.

Karis xun iyaduna ku la’, maamulkana waxan leeyahay arrintaasi wakhtigeedii way dhaaftay, habeen madaw guri la soo weeraray oo dad lagu laayo, waxaanu leenahay dadkii waa idin sugayaa.”

Suldaan Mawliid Cali oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Kaliya waxa isu keen keenay, maxaa laga qabtay dhacdadii lagula kacay wargeyska Hubaal? Arrintaasi waxa ay noqotay in raggii falkaa fulinayey ee loo hayaa ay noqdaan dadkii aynu nabadgelyadeena ku aaminay oo afka inoo soo duubtaan oo qudhgooyo inoola yimaadaan, Jananka Bilayska nimankii falkaa geystay gacantaa laga geliyey.

Haddii booliskaa xukuumadda dirayskeeda xidhani inay  falkaa dooxatada ah fulinayey ay iyadu soo diratayna Ha caddayso, Hadii ay reernimo u fulinayeena Ha caddayso,  falkaana xukuumaddaanu uga fadhinaa inay jawaab cad ka bixiso ama iyadu ha qaadato ama meel ha u samayso.”

“Weerarkaasi waxa uu ahaa wax lama filaan ah oo aynaan hore u arag, nimankii falkaa fuliyeyna waxa ay ku soo talo galeen inay qudha ka jaraan nimanka xarunta wargeyska ku sugan, kumana uu ekayn labadan nin ee hawsha waday, ciddaasina waa xukuumadda, godobtaas nalaga galayna meeshii aanu u raacaynay waanu garanaynaa,” sidaas waxa yidhi Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub oo xukuumadda ku eedeyey falkii lagula kacay Hubaal, waxaanu yidhi isaga oo hadalkiisa sii wata, “Haddii ay xukuumaddu arrin cad na soo hordhigi waydo jawaab waafi ah ayaanu ka bixinaynaa kana gaban mayno, waxaana wax lala yaabo noqotay hadalkii uu Duur ku sheegay  inuu falkaasi ku kooban yahay labadii nin ee fulinayey, Janankuna hadal kaas ku dhaw ayuu ku jawaabay.”

SOMALILANDPOST.NET