Madax Dhaqameed iyo Siyaasiyiin Soo Afjaray Shaqaaqadii Dhawaantan Ka Dhacday Magaalo Xeebeedda Berbera

Berbera(SLPOST):-Boqor Faysal Cismaan Baraag, Boqor Raabi Oo Ay Weheliyaan Gudoomiye C/Qaadir Cali Obsiiye Iyo Siyaasi Xasan Suudi Ayaa Magaalada Berbera Kusoo Afjaray Kadib Kolkii Ay Dhexda U Xidheen Dejinta Iyo Turxaanbixintii Shaqaaqadii Todobaadkii Hore Magaalada Berbera Ka Dhacday Ee Ay Ku Nafweyday Ruux Dumar Ah Sidoo Kalena Lagu Dhaawacay Wiil Uu Dhalay Xildhibaan Qabile.

berbera

Meydka Gabadha Ayaa Alle Haw Naxariistee Tan Iyo Habeenkii La Dilay Aan La Aasin, Taaso Ka Dhalatay Qanci Waa Iyo Tabasho Togan Oo La Halmaasha Sababta Iyo Sifaha Lagu Dilay Oo Aan Ehelada Marxuumadu Ku Qancin, Waxaa Gebi Ahaanba Hawshaasi Soo Afjarideeda Iyo Qancinta Eheladii Ay Ka Baxday Marxuumadu Ku Guulaystay Isimadan Oo Iyagu Xal U Helida Xaaladaasi Isugu Xilsaaray Doorkii Iyo Waajibkii Kan Madax Dhaqameed Ahaan Ka Aadanaa Xalinta Xaaladahaasi Oo Kale.

Waxaana Sida Ay U Sheegeen Shabakada Caalamiga Ah Ee Oodweynenews, Arintaasi Gacan Weyn Ka Siiyey Maareeyaha Dekeda Magaalada Berber, Badhasaabka Gobolka Saaxil Iyo Duqa Degmada Berbera, Oo Bay Yiraahdeen Si Wada Jir Ah Kaalin Wax Ku Ool Ah Uga Qaatay Sidii Hawshaasi Noogu Suurtageli Lahayd.

Boqor Faysal Cismaan Baraag Iyo Boqor Raabi Oo Kamid Ah Isimada Somaliland Ee Sida Weyn Ugu Ololeeya Nabada Iyo Xalinta Khilaafaaka Ka Dhex Dhaca Beelaha Walaalaha Ah Ee Reer Somaliland Ayaa Waxay Sidoo Kale Shacabka Ugu Baaqeen Inay Ka Digtoonaadaan Hadalada Shakhsiyaad Bulshada Xisaanadoodi Huwan Hadana Belo Huriyeyaal Ah Oo Aan Jeclayn Wanaaga Iyo Xasiloonida Shacabka.

Isku Soo Wada Duubo Maanta Ayaa Magaalada Berbera Lagu Aasi Doonaa Meydka Alle Haw Naxariistii Marxuumadaasi.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland