Madaweynaha Kooxda la Baxday Khaatumo, Cali Khaliif, oo Shaaca ka Qaaday Inuu Is-casilay

Saax-dheer (SLpost)- Cali Khaliif Galaydh oo maalintii khamiistii ee ay nu soo dhaafnay  tuulada Saaxdheer ee gobolka Sool loogu doortay Madaxweynaha kooxda la baxday Khaatumo State,ayaa guushii doorashadiisa  maalin ka dib  ku dhawaaqay is-casilaadisa.

cali khaliif galaydhCali Khaliif Galaydh oo Khamiistii dorraad loo doortay Madaweynaha kooxda la baxday Khaatumo State, ayaa hore uga tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, laakiin markii xilkan, waxa uu maanta oo Sabti h ku dhawaqay in u iska casilay xubinnimadii baarlamaanka Soomaaliya isagoo tilmaamay in aanay sharci ahayn in uu ahaado xildhibaan  ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya hayona xilka Madaxweynaha Khaatumo State,waxaanu ugu dambayn go,aansaday in uu  doortay in uu u madax bannaanaado xilka Khaatumo State oo kaliya.

Xildhibaankan Is-casilay ee loo doortay Madaxweynaha kooxda Khaatumo,ayaa dawladda Soomaaliya ka dalbaday in ay Kaatumo State u aqoonsato Maamul goboleed ka mid ah maamulada Soomaaliya,kana taageerto dhinacyda dhismaha maamulka.

Cali Khaliif Galaydh,ayaa Madaxweyne u ah koox aan deegaan toos ah oo ay ka talisaa aanu jirin marka laga reebo degmada Buuhoodle iyo tuulada Saaxdheer oo lagu doortay.

Waxaana dhinacyada ka xiga Somaliland oo uu dagaal u dhexeeyo iyo Maamul goboleedka Puntland oo qudhooda xabadi dhex taallo,iska markaana dhulka uu sheeganayo in uu madaxweyne u yahay ayaa deegaan ahaan ka tirsan Somaliland,halka ay ku muran san yihiin Somaliland iyo Puntland.

Somalilandpost.net