Madasha Wada-Tashiga? MISE waa Madasha Kala-Tashiga!! (Qayb. I-aad)

eng DeyrMarkaad maqasho magaca Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta, waxa markaaba maskaxdaada ku soo dhacaya Magac aad u Qurux badan oo laga dha-dhansan karo dhaqankii suubanaa ee ay Ummadda JSL ku soo caano-maaleen, halkaa maanta ay joogaanna ku soo gaadheen. Wuxuu u egyahay magac ay ka muuqato Lexejeclo iyo Tudhaale Bulsho oo aanad sinaba uga dareemayn inay ku hoos jiraan dano gaar ah oo shakhsiyadeed ama kooxo iyagu ku bahoobay dano u qarsoon oo ay leeyihiin. Waa magac aad is odhan karto waxa ka muuqata Taban-taabo iyo Toosin Maamul oo salka ku haya Nasteexo Ummadeed iyo u Nuglaansho halka ay ku jiraan danta Bulshada iyo Maslaxadda Qarankuba. Waa magac markay Shacbiaga JSL maqlaan ay is-odhan karaan Allaylehe kani waa Marjacii ay ku midoobeen Haldoorkii Mujaahidiinta iyo Indheer-Garadkii Mus-dambeedka u ahaa Maan-hagga Ummaddooda.

Haddaba Su’aalaha in la is-weydiiyo u baahani waxa weeye:

Magaca Madasha Wada-Tashiga iyo Toosintuma yahay mid si dhab ah uga tarjumaya macnaha ereyadaa quruxda badan leh ee uu xambaarsan yahay? Maxaa ka run ah , maxayse tahay xaqiiqada iyo ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa asaaska Madasha? Ma Madasha Wada-Tashigaa? MISE waa Madasha Kala-Tashiga??

Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta waa Gole ay ku shuraa-koobeen Niman Odayaal ah oo hadda ka hor la is lahaa waa haldoorka Mujaahidiinta aan iyaga cidina dalka iyo dadkaba uga lexejeclo badnayn. Nimankan odayaasha ah ee Madashu, waxay si walba uga maageen inay ka mid noqdaan Golayaasha Siyaasadda ee Distoorka Qaranku jideeyey (3-da Xisbi Qaran); taasoo awood iyo xuquud sharciba u siin lahayd inay Xukuumadda iyo Goleyaasha kale ee Qarankaba si dhab ah u daba galaan ulana xisaabtamaan. Nasiib darro Golaha ay nimankan odayaashi isugu habar-wacdeen (fikir, muruq iyo maalba), ma aha Gole waafaqsan Nidaamka sharci ee Dalka ka jira. Waa Madal aan Qaynuun ahaan jirin, talaabo kasta oo Siyaasadeed oo ay qaadaanna waxay si weyn u baal-marsan tahay Sharciga iyo Distoorka Qaranka kaasoo lagu ansixiyey Afti Dadweyne. Waxa si cad u muuqda in Golahan Qayrul Sharciga ah ee ay isu-baahaysteen raggan odayaasha ahi ay Halbeeg iyo Min-qiyaasba ka dhigteen Caadifad, Qabyaalad, Nacayb Qabiil iyo mid Shakhsiyadeed, Gobolaysi, Takoor iyo Kala-gur-bulsho, Fidmo iyo Xaalad-abuur joogto ah oo Bulshada laga dhex wado.

Sifaha iyo san-saanka ka muuqda Odayaasha Mujiaahidiinta ah ee isu magacaabay Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta waa MADAL had iyo jeer u tafaxaydan Tafa-raaruqa, Kala iyo Kala-takoorka BulshadaJSL. Fikirka Siyaasadeed, Araahda iyo Ereyada Xanafta leh ee ka soo burqanaya Nimanka Odayaasha ah ee ku bahoobay Golahan Sharciga baal marsani waa kuwo aan marnaba u tudhayn isla markaana aan sinaba ugu adeegayn danta guud ee Ummadda, maadaama aanay mudnaantooda iyo muhimaddooda koowaadba ahayn danta Dalka iyo Dadka midnaba, balse keliya ay ka fikirayaan dan shaqsi isla markaana ay si qaldan u raadinayaa Awood Qayrul Sharci ah oo Distoorka Qaranka baal marsan.

 

Raadin Awood, Magac iyo Mansab aan Sharci iyo Shacbi midna u igman!!

Awoodda, Magaca iyo Mansabkaba waxa bixiya ALLAH (sxwt). Waxa kale oo iyana jirta in Distoorka iyo Shuruucda dalka ka jira iyo weliba Codka Shacbigu ay muwaadinka magac, mansab iyo awood sharciba huwin karaan ama u igman karaan. Haddaba, waxa nasiib darro inteeda leeg ah, in ragla is lahaa waa Haldoorkii Mujaahidiinta iyo Maan-hagii Ummadda ee la is lahaa cidina dalka iyo dadkaba ugama lexejeclo badna, in maanta iyagii garba-duub looga hayo duminta dalka, tafa-raaruqa iyo kala-takoorka bulshada. Waxa nasiib darro ah in rag milge iyo maamuusba ummadda ku lahaa inay hadh iyo habeenba xusul-duub ugu jiraan siday u heli lahaayeen Awood, Magac iyo Mansab aan Sharci iyo Shacbi midna u igmanin!!Waxa nasiib darro inteeda leeg ah in rag dalkan ku leh abaal iyo taariikh mugweyni ay iyagii haatan duullaan ku yihiin oo ay dib u masaxayaan juhdigii, nafhuruddii iyo taariikhdii ay lahaayeenba. Hab-dhaqanka noocan ahi wuxuu tusaale fool-xun u yahay jiilka iyo da’yarta iyagu ku indha-barraqsaday xornimada iyo madax-bannaanida ay Odayaasha Madashu horseedka ka ahaayeen.

Odayaasha Madashu waxay hadh iyo habeenba ku mashquulsan yihiin abaabul iyo kicin bulsho oo wata ujeedooyin lidi ku ah wada-noolaanshaha bulshada. Waxaynu si joogto ah uga maqalnaa ama ka aragnaa noocyada kala duwan ee war-baahinta haddallo xad-gudub iyo deelqaafba ku ah cirdiga iyo sharafta M/weynaha Qaranka, Qoyskiisa iyo Xukuumaddiisaba. Wax badan baynu noocyada kala duwan ee war-baahinta ka maqalnay iyagoo nimankaa odayaasha ahi ay ummadda u saadinayaan belaayo iyo baas aan jirin. Wax badan baynu maqalnay iyagoo leh: “Dalkii meel xun buu marayaa ee ha loo gurmado.” “Hayaay!!, Ka soo kacaaay!! Madaxweynihii la doortay dalka kama taliyo, dad kale oo dano gaar ah leh aayaa taladii dalka afduubay.” Cay, Af-lagaado qaawan iyo shakhsi weerar aan loo meel dayeyn; sida: “Madaxweynuhu waa Tuug!; “Ahmed Silaanyo Waa Fulay!”; “Ahmed Silaanyo Waa Abaal Gabe!!” Waa Hadallada Qaawan ee Maragga iyo Markhaatigaba loo hayo ee laga hayo Odayaasha ku bahoobay Golaha Qayrul Sharciga ah. Hadallada noocan ahi waxay meel ka dhac, maan-gad, milo-xumo iyo karaamo darrabo ku yihiin caqliga suuban iyo garashada feyow ee muwaadinka iyo weliba magaca, sharafta, wadajirka iyo dareenka ummadnimo ee mideeya bulshada samaha jecel ee Jam.Somaliland.

Ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa jiritaanka Madasha Kala-Tashiga iyoTafa-raaruqa Bulshada iyo ajendaha ay leeyihiin Nimankan Odayaasha ah waxa lagu soo koobi karaa arrimahan soo socda: ………..

 

(INSHA ALLAH, La soco Qaybta 2-aad ee Maqaalkan: Madasha Wada-Tashiga!, MISE waa Madasha Kala-Tashiga!!)

 

Jam. Somaliland HA NOOLAATO

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh,

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Birmingham, UK|