MADASHA: Talo Ka Dhiibo Horumarka Soomaalilaand

MAAMUL WANAAGA.
Yaa odhan kara maamulka iyo Shareecada Islaamku isma qabanayaan?
Waa maxay sababta aan diinta ugu noqono kaliyo marka aan cibaadaysanayno, ducaysanayno, xiliga meherka iwm.
Miyuu jiraa wax Alle SWT kaga tagay Kitaabkiisa?
Ma ku saxsanahay nidaamkan aan raacnay?
Waxa la inaga rabaa inaan diinta ku dabaqno nolosheena oo dhan haday tahay maamulka, magaca/mansabka dawlada, maxkamadaha, iyo nolosheena oo dhan.
Waa talada ugu muhiimsan ee ay Soomaalilaand u baahan tahay maanta
Maamulka iyo shicibka labadaba waxa la inaga rabaa sidii aan midaas ugu hawlgali lahayn sida ugu dhakhsiyaha badan In shaa’Allah waayo waxa halkaa ku dhan DANTEENII.
Waa talo furan ee muwaadin kastoow ku biiri intaada

HORUMARINTA AFSOOMAALIGA

Barnaamijyada horumarinta xag walba waa au isku xidhxidhan yihiin haday noqoto mida dhaqaalaha iyo luuqada. Waxa loo baahan yahay in aan luuqadeena korina taasoo u baahan in aan dhan kasta aan ku isticmaalno iyada. Hadaan nidhaa af-ingiriisigu waa luuqadii dalkii ina gumaysan jiray waxa ay ka dhigan tahay wali gumaysigii baynu ku jirnaa waayo ingiriis hadaf kuu lahaa waa uu gaadhay oo waa taa maanta afkiisii aduunka oo dhan laga isticmaalo. Markaa waxa la inooga baahan yahay:
1. In aan luuqadeena ku isticmaalno xaga shaqada
2. In aan shirarka aan qabsanayno lagaga hadlo afsoomaali si afkeenu u koro oo qofka ajanabiga ah ee inoo imanayaa ku fikiro siduu afkeena u soo baran lahaa.
3. In madaxdeenu marka ay shirarka dibadaha ka qaybgalaan afkeena ku hadlaan meelkasta oo ay joogaan sida madaxda kale ee caalamka.
4. In kaliya aan u barano afafka kale marka laga reebo af-carabiga si aan markaan wadamadaa kale tagno aan ugu la hadalno afkooda inteena shicibka ah waayo waxaan iyagaba ka rabnaa in ay afkeena soo bartaan markay inoo imanayaan
5. Waa in ay meesha ka baxdaa in af-ingiriisi iyo mid kale toona lagaga shaqeeyo haayadaha dalka oo dhan haday tahay mid dawladeed iyo mid samafal ah in shaa’Allah

Waa talo furan ee muwaadin kastoow ku biiri intaada

HORUMARINTA DHAQAALAHA
Wadan waxa uu dhaqaalihiisa ku ilaaliyaa oo uu ku horumariyaa in uu sugo miisaanka dhaqaale ugu yaraan iyo inuu gaadho koboc marba marka ka sii dambaysa waxaa laf dhabar u ah:
1. In waxa uu soo dajisanaayo ay u dhigmaan waxa uu dhoofinayaa ugu yaraan si uu miisaanka dhaqaale u ilaashado ama ay ka bataan si uu koboc u helo.
2. In Kharashka dawladu u dhigmo cashuurta dawladu ay qaado oo waxa ay dawladu cashuur ku qaadaa uu sidii loogu talagalay ugu soo noqda dhaqaalihii dalka isaga oo ah mushar shaqaale oo suuqa dalka dib ugu soo noqda iwm
3. In lacagta dadku dhiganayaan ay u dhiganto mida ay maalgashanayaan oo haduu qof lacag meel ku ururiyo oo ay shaqayn waydo waxa ay ka baxday dhaqaalihii dalka markaa in wixii qofka ka baaqi noqdaa uu ku maalgaliyo dalka si ay wax u soo saarto.
Hadaba Soomaailaand:
1. Miyuu jiraa wax aynu dhoofino oo u dhigma waxa aynu soo dajisano? Maya ee kali xoolo yar ayaynu dhoofinaa oo aan meelna kaga dhacayn waxa aynu soo dajisano taasoo kharash badani inaga galo wadama kale.
2. Dawladu cashuurtii loogu talagalay dalka ma ka ururisaa si ay horumarinta dhaqaalaha wax uga qabato? Maya hada dawladu cashuurta u badani waa kastamyada uun iyo waxyar oo barriga ah.
3. Ma odhan karnaa dadka Soomaalilaand dhakhliga soo gala wax bay maalgashi ku darsan karaan mase jiraa maalgashi dibadeed oo dalka yimaad? Waa maya sidaynu u badan nahay mana jiro maalgashi dibadeed.
4. Hadaad manta guri lacagi ka buuxdo lagu siiyo oo aad maalinba in ka saarto oo aad wax ku soo iibsato oo aanad waxba ku soo celi ma sidiisii ayuu ahaanayaa mise wuu dhamaanayaa? Mayee wuu dhamaanayaa
5. HADABA Soomaalilaand iyada oo ayna jirin wax aynu dhoofino oo aynu ku kabno waxa aynu soo dajisanayno iyo maalgashi iyo iyada oo cuntadii daruuriga ahayd daayoo ay lacago aad u badan inaga baxaan jaad ayaa hadana halkii aynu ka kici lahayn hadana ay fooqyo sii dhismayaan markaa fursada aynu haysano ee lacagta dibada la inooga soo xawilo ayaa 3.5 milyan ee aynu nahay marka aynu ka cuntayno ee aynu ka qayilno ayaa baaqi baaqigaa guryahay sii dhisayaa inooga soo hadhaan.
HADABA taladu waxay tahay hadaynu wax kale, shidaal la soo saaro, kaluunkii oo laga faa,iidaysto iyo farsamo kaloo dhami ha inoo dambaysee hadii inta aan manta haysano si fiican u maamuli lahayn halkee ayaynu gaadhi lahayn? Waxaan u baahan nahay talooyinka in la fuliyo:
1. In dhulka la beero si aan uga maarano cuntada aan dibada uga soo dajinayno
2. In jaadka la beero si lacagta ku baxdaa ay dalka u gasho, waxa la yidhi berigii Siyaad Bare jaadkii uu gooyay waxa uu ahaa jaad dheer, sidoo kale geedaha jaadka laga soo jaro ee Itoobiya waa geedo waaway, markaa in aan cilmi baadhis samayno oo sidii uu jaadku ku bixi laa la galo taladeeda.
3. In ganacsatadu dalka dantiisa u jeestaan oo ay maalgashadaan wax soo saarka dalka
4. In dawladu cashuurta si fiican u qaado iyo ay dhiiri galiso maalgashiga in shaa’Allah

Waa talo furan ee muwaadin kastoow ku biiri intaada

Talooyinkan waxaan idinka soo ururinay Madal la magac baxday Madasha: Talo Ka Dhiibo Horumarka Soomaalilaand taas oo uu Muwaadin reer Soomaalilaand ah ka sameeyay xidhiidhiyaha bulshada ee loo yaqaan facebook. Madasha:.:Talo Ka Dhiibo Horumarka Soomaalilaand waa madal kulminaysa bulshada Soomaaliand si ay talo uga dhiibtaan dalkooda Soomaalilaand. CADAYN: Madashani waa mid ku timid fikirka muwaadin reer Soomaalilaand ah oo arkay baahida loo qabo madashan oo kale ee maaha mid ay dawladu wadato waxaanan filayaa in ay dawladuna lafteedu soo dhawayn doonto halkana kala socon doonto talada ay bulshadeedu ka dhiibato danta Soomaalilaand. Muwaadiniinta reer Soomaalilaand. waxa laga codsanayaa inay ku soo biiraan madashan kuna daraan saaxiibadooda kale. Waxa sidoo kale madashan ku soo biiri kara qofkasta oo taageersan qadiyada Soomaalilaand in shaa’Allah.

Si aad talada horumarinta Soomaalilaand ugu biiriso badhkaaga ku soo biir madasha oo aad ku heli doonto xidhiidhiyahan:

https://www.facebook.com/groups/MadashaTaloKaDhiiboHorumarkaSoomaalilaand/