Madal Ilyartu is Qabatay Oo Lagu Daahfuray Shabakada Somalilandtoday Iyo Nuxurka Hadaladii Laga Jeediyey

Hargeysa (SLpost)-  Munisaabid si heersare ah loo soo agaasimay  oo lagu daahfurayay xarunta  labaad shabakeda caalamiga ah ee Somalilandtoday.com, ayaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen Madax ka tirsan xukuumada, hogaanka  qaar ka mida Axsaabta Qaranka , madax-dhaqameedyo, suxufiyiinta ka tirsan warbaahinta iyo ardayda jaamacadaha dalka, ayaa saaka lagu qabtay hotel-ka Imperial ee Magaalada Hargeysa.

Waxaana  khudbado kala duwan ka jeediyay madaxdii  iyo  qaar ka mida dadkii qaybgalay munaasibada, kuwaasoo muujiyay soo dhaweynta shabakeda oo ku biirtay warbaahinta Af-Soomaaliga ku hadasha.

Maareeyaha shabakeda Somalilandtoday ee Somaliland Saddaam Maxamed Axmed, oo ka hadlay  xafladaas, ayaa ka waramay  ujeedooyinka  loo aas-aasay shabakeda.

“Shabakedan waxa   aas-aaskeeda leh muwaadin reer Somaliland ah , oo suxufiya oo  ku dhaqan wadanka Ingriiska  Muniir Axmed Cigaal oo ahna masuulka ugu sareeya shabakeda , waxaana loo aas-aasay  in ay wax  ku soo kordhiso warbaahinta dalka  ee casriga ah , Technolog-yada dunida iyo casriyayntu  waxa ay gaadhay  isdhexgalka caalamka oo ah in war helida  ka fudaato sidii hore, awal wararku waxa ay qaadan jireen saacado badan. Muddo bil ah ka hor ayay shabakedu hawada soo gashay , waxaana intii ay muddadaa ku jirtay  aanu kasbanay  dad gaadhaya 30,000 oo booqde, waxa aanu doonaynaa in aanu samayno warbaahin ku  sugnaato qanuunka  oo ah sida ay warhaahinta kale  uga diwaangashan tahay ee ay ruqsada uga haysto  wasaarada warfaafinta iyo xafiiska xeer-illaainta guud” ayuu yidhi Saddaam Maxamed Axmed, waxaana uu intaas ku daray  in shabakeda ay qorshaha ugu jirto in sameeyaan  wargeys madaxbanaan, isla markaana ay  ilaalin doonaan Shuruucda dalka iyo anshaxa saxaaafada.

 Suldaan Saleebaan  Boqor Cismaan Xasan oo  ka mida madax-dhaqameedka  dalka, ayaa sheegay  in uu soo dhawenayo shabakeda Somalilandtoday.com oo ku biirtay dhawaan bahda saxaafada dalka.

 “Waxa ay ka mid noqon doontaa shabakedaha ka warami doona Somaliland ,  aad iyo aad baanu ugu mahadnaqaynaa  dhalinyarada aas-aastay , waynu ognahay saxaafadeena dalku maanta yay u faro badan tahay, waxa aanu rejaynaynaa in ay  noqoto mid ku sifowda runta” ayuu yidhi Suldaan  Saleebaan.

Barkhad Maxamuud Kaariye oo ah xubin ka tirsan guddida sare  ee fulinta ururka suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) , ayaa sheegay in warbaahintu  dalku la kulmaan  dhibaatooyin kaga yimaada  siyaasiyiinta oo aan ogolayn in la baahiyo wararka xaqiidda,laakiin shabakeda Somalilandtoday looga baahan in ay adkaysi u yeelato caqbadaha jira.

“Waxa ay ku soo beegan tahay xilli siyaasiyiintu waxa  waxkasta oo ay warbaahintu qorto, ku tilmaamayaan been abuur , waa ay ayaan badan tahay waxa ay ku soo began tahay xilli la doonayo in sameeyo wax ka duwan waxa hadda jira, waxa ay ku shaqaynaysaa  daruufo iyo wax aanay warbaahinta caalamka ka jirtaa ku shaqaynayn . Muuse waxa uu yidhi anaga ayaa nagu taagan tihiin, taas waxa aan  doonayaa in beenaysaan,waayo warbaahintu bulshada ayay u taagan tahay” ayuu yidhi Barkhad Kaariye.

Guddoomiyaha xisbiga Tallada dalka  haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo isaguna Munaasibadaasi ka qayb galay ayaa si weyn u soo dhaweeeyey shabakada Somalilandtoday waxana uu  sheegay in  saxaafada dalka ka hawlgashaa   ay xog ahaan ku tiirsan tahay waaqiciga jira oo ay hogaaminayaan siyaasiyiintu.

 “Waan hambalyaynayaa  shabakeda cusub kolay waa hawl aniga igu soo koradhay , saxaafada waanu soo dhaweynaynaa iyo iyaguna waa ay  na soo dhaweynayaan , horta saxaafada waxa ay wax ka qortaa waa siyaasyiyiinta hadaydaan anaga ha nahaysan , haddii aanu maalin qudha idin ka aamusno, cabaadkiina waa laga baxayaa” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan Cali Xasan Maxamed ( Cali Mareexaan) oo ah mudane ka tirsan  golaha wakiilada,  oo ka hadlay halkaas, ayaa  sheegay warbaahintu ay tahay hay’ad awooda badan oo loo adeegsan karo masaaliix kala duwan.

“Saxaafada waxa la yidhi waa midi laba afleh , dhamaantiin waxa aan idiin rejaynayaa in sida fiican ee waxtarka leh  in aad uga faa’iidaysan doontaan  , hal tallo ah ayaan qolada website-yada u soo jeedinayaa  waxa ay qoraan faalo qof soo qoro , falooyinka dambe ee lagu  bixiyo wax  aad arki kartaa waxa cay ku qoran , ayuu yidhi xildhibaan Cali Mareexaan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad golaha Wakiilada   Dr  Cali Yuusuf Axmed, ayaa  tallooyin u soo jeediyay shabakeda   iyo warbaahinta kale ee dalka waxana uu yidhi “ Waan soo dhaweynayaa shabakeda Somalilandtoday, waxaan ay sidataa magacweyn Somaliland haddii aad la baxdeen waa in aad u qalantaan “ ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiiladu.

Cali Salaan (Shoombe) oo ka mida Saxafiyiinta raag-caada ah ee dalka oo isaguna munaasibadaasi ka hadlaya ayaa ugu baaqay Halw  wadeenada shabakadaasi inay ku sugnaada Xirfada saxaafada oo ay dhex-dhaxaad noqdaaan.

Waxa kale oo iyana munaasibada lagu daahfurayay xafiiska shabakeda Somalilandtoday.com ee Magaalada Hargeysa ka hadlay xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Cabdirashiid  Jibriil Yuusuf, Abwaan Yuusuf Shaacir iyo qaar ka mida madaxda hay’addaha warbaahinta ee dalka.