Madaarkii Caasimada Hargeysa Miyaa La Duminayaa Mise Waa La Dhisayaa – W/Q: Yusuf Keyse

Marka hore waxaan salaamayaa Saxaafada madaxa banaan,sidoo kale waxaan salaamayaa  shacbiwaynaha reer Somaliland.

Waxaan maanta doonayaa in aan ka hadlo madaarka caasimada hargeysa oo shaley aanu booqasho ku tagney aniga iyo Group Engineero ah.

Waxaanu soo aragney madaarkii oo la DalDalooliyey ama (Hog booraamooyin laga Qodey ) isla markaana shaqo la sheegi karaana aaney ka socon.

Waxaanu waraysanay nin KAARYOON ku riixaya Niis oo kaligii ka shaqaynaya meesha, Ninkaas oo magaciisa noogu sheegay Maxamed ayaa sidan noogu waramey, ‘Adeer makaligaa ayaa ka shaqaynaya meesha? Wuxuu ku jawaabey Haa kaligey ayaa jooga

Adeer meeday shirkadii Qandaraaska la siiyey ? Adeer mooyi

Adeer ma fasax ayey ku jiraan ? adeer mooyi

Madaarkan oo la xidhey may 2012 wakhtigaas oo ay ka soo wareegtey mudo sanad ku dhaw Ayaan ilaa imika wax lagu daro daayoo waxaa laga sameeyey Jeex jeexyo iyo booraan dacawo  Kuwaas oo Odey Maxamed noo shegay in aan wax la dhisayaa jirin balse lagu samaynayo KAB KAB .

Waxaa aanu layaabney aniga iyo groupkii Engeneerada ahaa, waxaanu filayney iyo waxaanu soo aragney oo aheyd KAAF IYO KALA DHEERI

Hadaba waxaan leeyahey xukuumada madaarkii caasiamada xagee u rarteen?

Meeday shirkadii aad qandaraaska siiseen ?

Ugu danbayntii waxaan shacbiga caasimada dagen leeyahey sida Engeneerada,aqoonyahanada iyo dadka khibrada u leh dhisida madaarada in aad nala soo aragtaan waxaanu soo aragney

Qalinkii Yusuf keyse A/laahi

Email. farxadi@hotmail.com

Tell.  Somtel  9145949