Madaarka Hargeysa oo lagu Kordhinayo Xarun Dhismaheedu ku kacayo Boqol Kun oo Dollar

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa Jimcihii maanta dhagax-dhigay dhisme ballaadhan oo loo hirgalinayo Waaxda Dab-demiska ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.

Dhismahan oo isugu jira Hoosooyin loogu talo galay in la dhigo gaadiidka dab-demiska iyo Keyd biyood oo dabka lagula dagaalamo, waxa kharasha ku baxaya oo lagu qiyaasay Boqol kun oo Dollar ($100,000) waxa bixinaysa Xukuumadda Somaliland.

3Munaasibad kooban oo loo qabtay dhagax-dhiga dhismaha, waxa ka qayb galay masuuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan, iyo maamulka Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka Duulista Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasibaddaasi ka hadlay ayaa sharaxay baahida loo qabo dhismaha iyo muhiimadda uu u leeyahay ammaanka Madaarka, waxaanu yidhi, “Illaahay ayaa Mahad leh waxaanu maanta dhagax dhigaynaa Xarun cusub oo aynu u samaynayno qaybta da-demiska Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal uu yeelan doono, xaruntani waxa ay ka kooban tahay hoosooyinkii gaadiidka waaweyn ee casriga ah ee aanu Garoonka keenay ay gali lahaayeen ee ku filnaa iyo taangi weyn oo biyood oo gaadiidka dab-damisku ay biyaha ka qaataan wakhtiyada uu dabku jiro, waana qaybta kali ah ee ka dhiman maanta garoonkeena.”

“Xukuumadan maanta uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxay ku dadaalaysaa oo ka go’an in aanu kor u qaadno adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaale, anaga oo ka duulayna siyaasadda ka Wasaarad ahaan waxa bar-tilmaameed noo ah in aanu Garoonkan caalamiga ah ee Cigaal ee caasimadda aanu casriyeyno, korna u qaadno adeegyadiisa kala duwan dhinaca nabadgalyada, bad-qabka, dhinaca Terminal lada iyo wixi la mid ah,” ayuu yidhi Md Maxamuud Xaashi, waxaanu hadalkiisa sii raaciyey, “Markaa runtii waxaanu ku talo jirnaa in aanu mashruucan dhamays tirno ka hor xilliga Runway-ga diyaaraduhu ku dagaan korodhsiimadeedu uu dhamaanayo iyo Xayndaabka oo immika gebo-gebo ku dhaw, dhamaantiina la qiimayan doono wakhtigaas. Garoonku xilligaa wuxu noqon doonaa garoomada waaweyn ee casriga oo ka mid ah kuwa ugu qiimaha badan Geeska Africa, oo ilaa derejadiisu tahay toban (Category Ten), ujeeddadaas ayaa laga leeyahay,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka oo sharraxayey xaddiga maaliyadeed ee dhismaha xarunta loo qorsheeyey, waxa uu yidhi, “Mashruucan waxaa ku bixi doona lacag ilaa Boqol kun oo dollar ah (100.000$) oo dawladda Somaliland ay bixinayso, runtii waxaanu rajaynaynaa in ay si fiican u qabyo tirto shirkadda Daryeel ee dhisaysaa.”

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland