Madaarka diyaaradaha Hargeysa oo markii u horeysay dadka rakaabka ah lagaga baadhayo Cudurka Ebola (EBOLA SCREENING)

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa bilowday baadhitaanno lagu samaynayo dadka rakaabka ah ee ka soo degaya Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, iyada oo laga hubinayo Astaamaha Cudurka Ebola (Ebola Screening) oo si ba’an ugu fiday waddamada Galbeedka Qaaradda Afrika.

Hargeysa Airport Screening (1)Hawl-galka lagu baadhayo caafimaadka dadka rakaabka ah, waxa iska kaashanaya Wasaaradaha Caafimaadka iyo Duulista Hawada Somaliland, waana tallaabo xukuumadda Somaliland ugu diyaar-garoobayso ka-hortagga Cudurka Ebola, waxaana sidan oo kale kooxo caafimaad loo dhigay goobaha laga soo galo xuduudka Somaliland la wadaagto waddamada Deriska ah.

Baadhitaanka caafimaad ayaa maanta lagu bilaabay dhammaan dadkii ka soo degay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, waxaana hawshu siday u socoto iyo qorsheyaasha Xukuumadda eek u aaddan cudurkan ka warbixiyey wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo saaka kormeeyey hawl-gallada baadhitaan ee shaqaalaha caafimaadku ka wadaan Madaarka Hargeysa.

DAAWO SAWIRRO

Hargeysa Airport Screening (2)Hargeysa Airport Screening (3)