MACNE-GUURKA EREYGA‏ – Qalinkii Cabdinaasir Axmed Ibraahim

NasserMacne-guurka ereygu dhowr siyood oo kala geddisan ayuu u dhacaa, mid ka ‘se aan ku horreynayaa waa;

Ereyga oo aan qoraal ahaan wax ba iska-beddellin, isla markaa, dhawaaqiisii hore wata, ayuu macne-ahaan dhallan-rogan weyn ku dhacaa. Hogo-tuska aan ibo-furka u soo qaadanayaa waa;

(EREYGA ABWAAN)

Ereygan muddo 60 sanno ku siman ka hor, ayuu macne-guur ku dhacay. Macnihiisii hore wuxuu ahaa, mid sidan u dhow;

“Abwaan waa nin xeer-beegti ah,dhaqan-yaqaan, dal iyo dad aqool ah, kaa soo furdaamin jiray, arrimaha cakirma ee dadka caadiga ah maare-u-waayaan, ayuu xallin jiray abwaanku. Ma hadal badna, ereyo kooban ayuu u adeegsan jiray meel hadal badan u baahan, dad kuna si mug-weyn u fahmi jireen. Waana halka ay Soomaalidii hore ka odhan jirtay, hadalka lagaga ma daba dhubto.

Abwaan hibada hal-abuurnimo ee maanso curin Rabbi wax ba kama siin; tiraab mooyi’e, tix isku ma dayo. Intaa haddii aan ku soo koobo sharraxa macnahii hore ee loo adeegsan jiray ereyga Abwaan, bal aan u nimaadno sida uu u dhalan-rogmay.”

MACNAHA GOORTAN EE EREYGA ABWAAN

Ereyga abwaan ammintan aan joogno waxa loo yaqaan qof kasta oo tix-tiriya,hal-abuur maansooda.

Macne-guurka ereygan ku dhacay, waxa aan filayaa in aad si Wanaagsan u fahanteen, xeel-dheereyaasha” Aqoon-afeedda” dersaa is-beddelkan oo kale, waxa ay ku odorasaan (Da’da ereyga) ereyo kale oo dhallan-rogan ku dhaca iyo xogo ku saabsan Afkeenna Hodanka ah ayaan haddii xaggiisa laga helo wadaagi doonnaa”