Macluumaad Laga Yaabo In Aanad Ka Hayn Shaaha Oo Ah Cabbitaanka Dunida Ugu Shacbiyadda Badan 

Beijing (SLpost)- Shaaha oo ka mid ah cabbitaannada ugu shacbiyadda badan dunida oo dhan, dadka cabbaana ay ka kooban yihiin dhammaan diimaha iyo dhaqannada kala duwan ee dadka dunidu ku kala calaamadsan yihiin ayaa la og yahay caafimaad ahaan in uu leeyahay faa’idooyin aad u badan.

Qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay ayaa shabakadda Alcarabiya ay dhowaan ku soo bandhigtay toban ka mid ah xogaha la xidhiidha Shaaha oo laga yaabo in aanay ogeyn dad badan oo jecel cabbista shaahu:

1. Toddobaadkii hore ayaa ay cilmibaadhayaasha aataartu ay caddeeyeen in shaaha ugu guunsan dhinaca cabbitaanka ee illaa hadda la og yahay uu ku arooro muddo ka badan 2100 sano.

2. Cilmibaadhayaashu Shaahii u horreeyey ee loo malaynayo in dunida lagu cabbay, waxa ay raadkiisa ka heleen meel ku dhow qudbi uu ku aasan yahay Imabaraadoorkii Shiinaha ee Wang Lin, taas oo loo fahmay in uu shaahu uu xilligaas ahaa sharaabka boqorrada iyo dadka sare ay xiisayn jireen xilligaas.

3. Waxaa jirta taariikh Shiine ah oo ku doodaysa Imbaraadoorkii koowaad ee dalkaas Shennong uu shaaha cabbistiisa baray dadka Shiina, waxase illaa hadda la isla qaatay in shaaha dunida laga isticmaalayey 59 sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS).

4. Dadka dunida maanta ku dhaqan, saddex meelood laba oo noqonaysa boqolkiiba 66 ayaa isticmaala Shaaha oo leh Caffeine dabiici ah. Laakiin dadkaasi isticmaalka shaaha waxa ay u adeegsadaan caadooyin iyo habab kala duwan.

5. Dalalka ugu muhiimsan ee geedka Shaahu uu ka baxo, soona saara shaaha ugu tayada badan waxaa ka mid ah Hindiya, Shiinaha, Ceylon, Jabaan iyo Indooneesiya, dalalka ugu muhiimsan ee loo dhoofiyo dadkooduna aadka u isticmaalaan waxaa ka mid ah, Ingiriiska, Maraykanka, Ustareeliya iyo Ruushka.

6. Shaahu waxa uu u qaybsamaa qaybo kala duwan, Shaah madow, Shaah cagaaran iyo Shaaha cad oo isagu ka mid ah noocyada ugu dhif san shaaha uguna fiican. Shaaha Cad waxa uu leeyahay hah aad u yar, si ka taxaddar iyo farsamo badan shaaha kale ayaana loo kariyaa.

7. Waxaa xiise gaar ah leh in qawmiyadda Tibet oo ah qawmiyad facweyn oo dowlad gaar ah waqtiyada qaar lahayd balse hadda ka mid ah dalka Shiinaha, marka ay shaaha cabbayaan ay ku dhex walaaqaan milix iyo subag.

8. Waxaa jira shaah Yasmiin loo yaqaanno oo ay aad u cabbaan dadka Shiinaha ahi, waxaana loo sameeyaa hab gaar ah, sonkorna laguma daro. Shaaha Yaasmiin waxa uu caan ku yahay ur aad u udgoon.

Xigasho Geeska Afrika