Macalinkii Muusikada Caanka ku ahaa Ee Aweys Abuukar Goobe Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Hargeysa

Hargeysa 10 February, 2012 (SLpost)- Alle ha u naxariiste waxa saaka lagu aasay Magaalada Hargeysa Aweys Abuukar Goobe oo ka mida ahaa musiishanadii Soomaaliyeed ee caanka ahaa, kaasoo xalay ku geeriyooda isla Magaalada Hargeysa oo uu ku noola sannadahan dambe.

Marxuum Aweys Abuukar, ayaa habeenkii xalay u  xijaabtay  xanuun asiibay oo uu la jiifay wakhtiyadan dambe, waxaana aaskiisa ka qaybgalay dad magac ku leh fanka Soomaalida oo ay asxaab ahaayeen Marxuumka kuwaas oo macasalaameeyay mid ka mida rukimadkii fanka iyo sugaanta Soomaaliyeed ee ay jaalka ahaayee muddadii dheer.

Marxuum Goobbe ayay dad badani oo Soomaali ah ku xusuusan doonaan kaalintii uu ka qaatay horumarka fanka, gaar ahaan sannadihii  1970-yadii  iyo horaantii 1980-yadii , xilligaas ahayd kobicii fanka, waxaana uu haynbad u lahaa  laxanka musiiga oo  uu saaray heeso badan oo ay qaadaan fanaaniin caan ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Aamina Cabdilaahi Xirsi, Khadar Daahir Cige, Xasan Aadan Samatar,  iyo qaar kaloo badan.#

SOMALILANDPOST NEWS

Hargeysa