Mac-hadka Faafinta Islaamka oo Kulan Wacyi-gelin ah u Qabtay Ardayda Dugsiga Aljiil Aljaliil

Hargeysa (SLpost)- Mac-hadka Faafinta Islaamka ee ka hawl-gala Somaliland, ayaa kulan-diimeed wacyi-gelin ah qabtay ardayda Dugsiga Aljiil Aljadiid ee Magaalada Hargeysa.

Kulan diimeedka oo ka xarunta xarunta dugsiga ee magaalada Hargeysa, ayaa ku saabsanaa wacyi-gelin ardyada loogu jeediyey ka-hortagga dhaqan xumada Diinta Islaamku xaaraan-timaysay sida Tahriibka, Waalid-caasiga, isqarxinta iyo ku-tacaddiga sharafta qofka bani’aadamka ah, waxaana ka qayb-galay Masuuliyiinta Mac-hadka Faafinta Islaamka, Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda dugsigaasi.

machadUgu horayn waxa halkaas hadal soo dhawayn ah ka jeediyey Maamulaha Dugsiga AlJiil Al-jadiid Maxamuud Xuseen Aw Muuse, waxaana yidhi, “Fursaddan ay inoogu yimaadeen Mac-hadka Faafinta Islaamku waa mid aanu u baahnayn oo aad ayaanu ugu faraxsan nahay muxaadirooyinka diiniga ah ee ardayda loo jeedinayo, Mac-hadkana warbaahinta ayaanu kala soconay. waxaanay wadaan wax lagu farxo. Markas Ardayda waxaan leeyahay waa inaad ka faa’idaysataan wixii halkan laydiinka sheego oo aad ku camal fashaan.”

machadkaaWakiilka Mac-hadka ee Gobolka Hawd Sheekh Cumar Jaamac Ducaale oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ka warramay qiimaha ku duugan isku baraarujinta Wanaagga iyo dariiqa toosan, waxaanu yidhi, “Islaamku waxbuu ina faray, waxna wuu inaga reebay. Islaamku wuxuu ina faray inaynu Caabudno ILAAHAY SWT iyo in Camal saalix ah lala yimaaddo, Illaahay wuxuu inagu waajib yeelay inaynu tukanno Salaadda oo ah shayga qudha ee kala saaraya qofka Muslimka ah iyo qofka aan muslimka ahayn. Ardaydu waa inay salaadda Tukadaan, hadday tukan waayaan waa in lagu amraa, inanka ama inanta Salaada Tukan wayda waa lagu garaacayaa.”

machadkaSidoo kale waxaa halkaas muxaadiro diini ah ka jeediyay Sheekh Xasan Qorane Xaaji Cali oo ardayda ku baraarujiyey qiimaha ay leedahay cibaaddada suubban ee lala yimaado iyo ka fogaanshaha wixii diintu xaaraantimaysay. “IIlaahay waxa uu Qur’aankiisa inoogu sheegay inaynu wanaagga is farno xumaantana iska reebno. Waxan idinkula dardaaramayaa inaad noqotaan kuwo xadhigga Illaahay qabsada oo diintooda ilaashada,” sidaas ayuu yidhi Sheekh Xasan Qorane.

Waxaa kale oo kulankaas muxaadiro diini ah oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Sheekh Nuux Wacays Ducaale oo ka mid ah culimada reer Somaliland, waxaanu ardayda ku baraarujiyey qiimaha qof Muslimka ah u leedahay fulinta waajibaadka Eebbe Qur’aankiisa ku faray, waxaanu ku booriyey inay arday ahaan xoojiyaan barashada Diinta Islaamka.

 

SOMALILANDPOST.NET