Maayorka Dhoqoshay Oo shaqo Boob Ku Sameeyey Nin Shicib Ah Oo Ahaa Wakiilka Shirkada Dahabshiil, Isla Markaana Isagu Booski Isku Qoray

Aniga Oo Ah Muuse Ismacil Caare Waxa Layaab Igu Noqotay Markii Aan Xarunta Dahabshiil Ee Dhoqoshay Aan Lacag Ku Xawishay Aniga Oo Ahaa Muwadin Xoolaha Ka Ganacsada, Waxa Aan Kula Kulmay Nin Markaa Shaqaale Ka Ahaa Xarunta Ama Wakiilka Dahabshiil Ee Dhoqshay Waxaana Markii Danbe Laygu Sheegay Inuu Yahay Maayarkii Degmada Dhoqoshay. Waxa Layaab Igu Noqotay Markii Lay Sheegay Inuu Nin Shacab Ah Uu Si Sharci Daro Ah Kaga Qaaday Ninkaas Shacabka Ah Oo Mudo Dheer Wakiil Uga Ahaa Dahabshiil Magalada Dhoqoshay Balse 08/09/2011 Uu Maayarku Shaqadiisii Kala Wareegay Kadib Markii Uu U Adeegsaday Awood Xukuumadeed Uu Masuuliyiinta Dahabshiil Ee Burco Qaarkamid Ahi Ay Aakhirkii U Ogalaadeen Shaqadiina Uu Sidaas Kula Wareegay.Mayorka Dhoqoshay Mr.  Maxamud Xasan Saleban Ayaa Muwaadinkan Magaciisu Yahay Ismaaciil Cumar Kaarshe Waxa Uu Kula Kacay Wax Sharciga Bina Adaamka Kabaxsan. Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Ceeb Ayey Ku Tahay In Ay Shaqo Boob Ku Samayso Dadka Shacabka Ah Halkii Ay Shaqo Abuuris U Samayn Lahayd Waa Nasiib Daro. Waxyaabaha Kale Ee Layaabka Lehi Waxa Kamid Ahaa Degmada Dhqoshay Waxa Aan Ku Arkay Gaadhi Iska Rogo Ah Oo Leh Tarikada Dawlada {Tg} Oo U Shaqayna Mashruuc Ngo Kawado Degmada Oo Dhisme Ah Waxana Lay Xaqiijiyey In Gaadhigaas Uu Gudoomiyuhu Ka Kireeyey Ngo Hawsha Wada Iyadoo Ay Magalada Ku Camal La’yihiin Inkabadan 10 Iskarogo Oo Shacabku Leeyahay Taasina Waxay Muujinaysa Sida Aan Xukuumadu Umada Ugu Oogalayn Xataa Inay Ceeshaan. Cidii U Baahan Xaqiijinta Warkaasi Hakala Hadasho Lanbarkan Muwaadinka La Dulmiyey Mr. Ismaaciil Cumar Kaarshe  Mobile: 4338820 Qore: Muuse Ismacil Caare E-Mail: Danjirre2009@Hotmail.Com