Maayarkii caasimadda Hargeysa oo Saaka Subaxnimadii ku geeriyooday cusbitaal ku yaal Imaaraadka Carabta

Marxuum Eng Yuusuf Warsame Siciid

Hargeysa (SLpost)- Alle ha u naxariistee Waxa Saaka Subaxnimadii Cusbitaalka Al-Khaliifa ee magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday Maayarkii Caasimadda Hargeysa Marxuum Eng Yuusuf Warsame Siciid oo bilihii u dambeeyey baxnaano Caafimaadka u yaallay cusbitaalkaas.

maayarka CusubMaayarkii Magaalada Hargeysa Eng Yuusuf Warame Siciid, Allle ha u naxariistee ayaa u geeriyooday naxnuun dhanka sanbabada ah oo uu waayahan ba u jiifay cisbitaal ku yaala Magaalada Abu-dubai ee dalka Imaaraadka Carabta,

Eng. Yuusuf oo ka mid ahaa Xildhibaannadii Golaha Deegaanka Xisbiga Kulmiye uga soo baxay caasimadda Hargeysa, ayaa xilka maayarnimada caasimadda hayey muddo bil ah ka hor intii aanu ku soo boodin xannuun ka asiibay Feedhaha kaas oo magaalada Djibouti loo qaaday, haseyeeshee markii waxba laga qaban kari waayey loo gudbiyey cusbitaal ku yaala magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Marxuum Eng Yuusuf Warsame oo ahaa shakhsiga Kaliya ee Aqoon-injineernimo loo door-bidayey ee ku jiray xildhibaannada Soo baxay, ayaa 24-kii December ee Sannadkii hore loo doortay Duqa Caasimadda Hargeysa.

La soco taariikh nololeedka Marxuumka

SOMALILANDPOST.NET