Maayarka Tuulo ku taala Soomaaliya iyo Odayaal uu watay oo Baadhis Caafimaad loogu sameeyey Markab-dagaal Dushii

Nairobi (SLpost)- Markab dagaal oo lagu magacaabo ‘Cristóbal Colón’ (F-105) oo laga leeyahay dalka Spain qeybna ka ah hawlgalka la-dagaalanka budhcad-badeedka eek u sugan xeebaha Soomaaliya, ayaa baadhitaan caafimaad dushiisa loogu sameeyey maayarka tuulada Xaabo ee maamulka Puntland iyo qaar ka tirsan odayaasha deegaanka oo la socday..

markab-dagaalWarsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska hawlgalka budhcad-badeedka ee Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in ujeedadeeda adeegga caafimaad ee loo fidiyey maayarka iyo dhowr Oday oo deegaanka ka soo jeeda ay ahayd inay kasbadaan kalsoonida shacabka iyo isdhaafsiga macluumaadka iyo sida loola dagaalami karo budhcad badeedka.

Maayarka magaalada Xaabo iyo odeyaasha la socday waxa ku qaabilay markabka dushiisa Taliyahii markabka Enrique Núñez de Prado, waxaana markii dambe loo sameeyey baadhitaan caafimaad oo ay fuliyeen dhakhaatiirta qaybta gar-gaarka deg-degga ah ee Markabka.

Saraakiisha Ciidan ee Markabka iyo Maayarka oo ay wehelinayeen Odayaasha la socday, ayaa markii dambe yeeshay kulan xog-wareysi iyo warbixino laysku dhaafsaday oo ku saabsan budhcad badeedka oo deeganka uu Maayarku ka taliyo si weyn uga hawl-gasha.

 

SOMALILANDPOST.NET