Maayarka Hargeysa Oo soo Saaray Amarro Bilicda Caasimadda Lagu Hagaajinnayo

 

 

Hargeysa(SLpost) – Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, ayaa soo saaray amarro ku saabsan qorsheyaal caasimada bilicdeeda lagu hagaajinayo oo gabogabo maraya. Waxa uu sheegay in dhawaan magaalada laga dhex saari doono Macdaarada baabuurta lagu iibiyo, xeryaha Jaadka lagu Iibiyo iyo Kaalmaha Shidaalka.

 

Ugu horayn Maayarku waxa uu shacbiga ugu baaqay ilaalinta Ishaarooyin muddo dheer kadib dawladda hoose hirgalisay “waxaa maalmahanba tijaabo ku jira oo sidaad la socoteen aanu dhaqan gelinay ishaarooyinkii, kuwaas oo Khamiistii bilaabmay kuna eeg arbacada dembe. Wixii ka dembeeyana  qofka ishaaro jiidha si toos ah ayaa loo ganaaxi doonaa oo ay ciidammada taraafigu ka hawl geli doonaan. Ishaarooyinkaas waxaanu ku bilownay lix isgoys, waxaana toddobadaas cisho aanu eegaynaa wixii farsamo ahaan la arko sida ay waddooyinku u kala muhiimsan yihiin, qofkastaana ra’yigiisa ayuu kasoo dhiiban doonaa”.  Sidaa ayuu yidhi Maayarku, waxaanu intaa ku daray in bulshadu ilaashato ishaarooyinka oo cashuurta laga ururiyay lagu hirgaliyay.

 

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay in si kumeel gaadh ah loo joojiyey kaalmaha shidaalka ee magaalada dhexdeeda si khaldan looga dhisay, waxaanu sheegay in illaa inta la samaynayo xeerkii kaalmaha ay hakad gelinayaan in kaalmo cusub la furo, “ aqbali maayo foostooyin iyo bar yar in la dhex dhigo magaalada, qof kasta oo ganacsade ah oo samaysan karaana ma jiro, arrintaasna guddi ayaanu u saarnay” ayuu yidhi Mr. Soltelco.

 

Dhinaca kale waxaa uu shaaca ka qaaday in ay macradada baabuurta u diyaaariyeen dhul gaar ah oo ay dhawaan u rari doonaan,  sidaas darteed uu uga digayo dadweynaha in ay guryahooda wajahadaha waddooyinka ku yaalla ay dhalan rogaan kana sameeyaan macradyo baabuur.

 

Arrimaha kale ee Mr. Soltelco amray waxaa kamid ah xerooyin jaadka u gaar ah iibintooda in ay ka samaynayaan darafyada magaalada, isla markaana ay hadda wixii ka dembeeya mamnuucayaan in magaalada gudaheeda lagu iibiyo jaadka, “ waxaan u sheegayaa dadweynaha in hadda wixii ka dembeeya aanu mamnuucnay isla markaana joojinay in magaalada dhexdeeda lagu iibiyo jaadka,  waxaanu jaadlayaasha u hirgelinay afar xero jaad oo laga dhisi doono koonayaasha magaalada” ayuu yidhi Maayarku.