Maayarka Hargeysa oo ka Qayb-galay Olole lagu banneynayo Jidadka Wadnaha Caasimadda iyo Digniin uu shacabka u jeediyey

HARGEYSA (SLpost)- Maayarka Caasimadda Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa maanta ka qayb-galay olole ballaadhan oo Dowladda Hoose ee Hargeysa ka bilowday badhatamaha magaalada iyo xaafadaha dhexdeeda, kaas oo lagu banaynayey waddooyin xidhnaa oo cidhiidhi ku hayey isu-socodka gaadiidka ee caasimadda.

Ololahan waxa ka qayb-qaadanayey shaqaaalaha dawladda hoose iyo madaxda sarsare ee dawladda hoose, kuwaas oo sheegay in maalin kasta uu socon doonno jidad banaynta caasimadda iyo kor u qaadadida bilicda, taas oo ay sheegeen in lagu nadiifinayo suuqa iyo jidadkii ay xidheen dad ku ganacsanayey jidadkaasi oo alaabtoodda lagu amray inay gurtaan.

jidad banayn 3Maayarka oo saxaafadda kula hadlay goobaha ay dawladda Hoose ka fulisay ololaha banneynta jidadka, ayaa uga digay dadweynaha inay caadaysteen in dadku wax ku iibiyaan wadooyinka dhexdiisa iyo meherada hortooda, kaasi uu sheegay inay joogto noqon doono ololaha jidad banaynta caasimadda oo aan cidna laga ogolayn in wadooyinka hareerahoodda alaabooyin lagu dhex iibiyo.

“Waddada madaarka laga soo bilaabo, wadooyinka badhtamaha dhex mara kuwo u baxa Jigjiga yar iyo New hargeys intaba waanu ka shaqaynay maalin kasta, qofkii loogu taag waayey meheradaada ku ganacso u diyaar garow inaanu alaabta maalin walba qaadno oo wadooyinka ka dhex gurno”ayuu yidhi Maayarka Caasimadda Solteko oo ka hadlayey banaynta jidadka ee badhtamha magaalada Hargeysa, waxaanu intaas ku daray “Waa in qof kasta meherad ku dhex ganacsado, kuwo sariibadaha loo sameeyey sariibadda dhexdoodda waa inay ku ganacsadan oo aanay dibadda ula soo bixin,” sidaas ayuu yidhi Maayar Soltelko.

jidad banaynSidoo kale, Maayarku wuxuu lug ku soo dhex maray suuqa weyn ee waaaheen, khudradleyda, hlibleyda iyo Sariibadda suuqa dhexe ku taalla, kaasi oo uu bulshaddii halkaasi ka ganacsanayey ka dhagaystay warbixno iyo baahiyaha ay rabaan, isagoo uballanqaaday inuu wax ka qabannayo dhamaan wiixi ay soo codsadeen.

Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Solteko wuxuu xadhiga ka jaray sariibad laga hirgaliyey xaafadda Star ee degmadda Maxamuud Haybe oo loo sameyey qaab casri ah, isla markaana laga heli karo wax kasta oo bulshaddu u baahan tahay.

Maayarka ayaa sheegay in degmo kasta gaarkeedda loo suuqeyn doono, isagoo dadweynaha ugu baaqay in degmo kasta sariibadeedda macmiil u noqoto ee aanay tagin sariibadaha ka fog fog ee suuqa dhexe, maadaama oo la qorsheeyey in dgemo kasta isa suuqayso oo dadkii wixii suuqa dhexe uga baahnaa loo geeyo xaafadahoogga.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda hoose ee Hargeysa ayaa wadda qorshayaal lagu daadajinayo maamulka, isla markaana degmooyinka iyo badhtamaha magaalada loo samaynayo jidad waaweyn iyo goobo laga tukaansado.