Maayarka Degmada Berbera iyo Xildhibaan Golaha Deegaanka ah oo maanta ku biiray Xisbiga Kulmiye

Maayarka Degmada Berbera

Berbera (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Berbera Md Cabdalle Maxamed Cali iyo Xildhibaan Yuusuf Cali Nuur  oo la tirsan xildhibaannada Golaha Deegaan Berbera, ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye.

Maayarka Degmada Berbera

Maayar Cabdalle iyo Xildhibaan Yuusuf Cali oo labadooduba hore uga tirsanaa Xisbiga UDUB isla markaana Xisbigaas uga soo baxay doorashadii golaha deegaanka ee 2002-dii, waxa munaasibad loo qabtay ku soo biiritaankooda ka soo qayb-galay guddoomiyaha Xibsiga Kulmiye ee gobolka Saaxil, masuuliyiin iyo taageerayaasha Xisbiga.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil Dr Cabdi Cilmi, ayaa si weyn u soo dhaweeyey isla markaana ku hambalyeeyey go’aanka ay labada masuul ku gaadheen inay Xisbiga talaada dalka haya ku soo biiraan isaga oo ku tilmaamay inay yihiin halbowle wax weyn ku soo kordhinaya hawl-gallada Xisbiga ee gobolka.

“Waxaan si weyn maanta ugu soo dhawaynayaa xisbiga Kulmiye Maayarka magaalada Berbera Cabdle Maxmed Cali Iyo Xildhibaan Yusuf Cali Nuur oo Manta laga Bilaabo kamid ah xisbiga waxaanan leeyahay soo dhawadaa oo waliba gacmo furan ku soo dhawaada. Xisbiga Kulmiye marwalba wuu soo dhawaynayaa cid kastoo u diyaara inay ka mid noqoto ama kusoo biirta,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Saaxil, isaga oo intaas ku daray inay isku mid yihiin dhammaan xubnaha kala duwan ee Kulmiye kuwii hore iyo kuwii danbe islmarkana ay xuquuq isku mid ah ay leeyihiin,

GUDDOOMIYAHA KULMIYE EE GOBOLKA SAAXIL

Gudoomiyaha Kulmiye ee gobolka Saaxil oo ka mid ah shakhsiyaadka ku cusub xisbiga Kulmiye dhinaca maamulka isla markaana u muuqda mid wax wayn ka beddeli doona arrimaha xisbiga ee gobolka, waxa uu sheegay inay diyaar-garow adag ugu jiraan hawlaha dar-dargelinta iyo ololaha doorashada foodda inagu soo haysa waxaanu intaasi raaciyey in Xisbigoodu yahay ka kaliya ee illaa hadda ay xildhibaanadii ugu tirada badnaa iska soo sharraxeen isla markaana ay isa soo taageen fagaaraha musharixiinta golaha deegaanka ee Gobolka Saaxil.

SOMALILANDPOST

Berbera, Somaliland