Maayarka Cusub ee Golaha Deegaanka Caasimadda oo Xilka kala wareegay Maayarkii ka horreeyey (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Maayarka Cusub ee Golaha Deegaanka magaalada Hargeysa Eng Yuusuf Warsame Siciid, ayaa maanta xilkii kala wareegay maayarkii hore ee wakhtigiisu dhammaaday Eng Xuseen Maxamuud Jiciir oo tobankii sanno ee u dambeeyey xilkaas soo hayey.

dawladda hooseMunaasibadda Xil-wareejinta Maayarka Cusub ee Golaha Deegaanka Hargeysa Eng Yuusuf Warsame Siciid kula wareegay xilka oo lagu qabtay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxa ka  soo qayb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Nuur Carraale (Duur), Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Md Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Xildhibaannada la doortay ee Golaha Deegaanka Caasimadda, xildhibaannadii hore Qaarkood, Madax-dhaqameed, Shakhsiyaad si weyn looga qaddariyo Gudaha Dalka iyo Marti-sharaf kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale oo ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay in wanaaggii ka dhashay doorashada deegaanku ka muuqato munaasibadda xil-wareejinta ee labada maayar, waxaanu sheegay inay niyad leh u soo dhaweynayaan hoggaanka Golaha Deeganka ee cusub.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna munaasibadan ka hadlay, ayaa u hambalyeeyey maayarka cusub iyo golaha deegaanka ee caasimadda, waxaanu ku booriyey in looga fadhiyo sidii ay uga soo bixi lahaayeen gudashada xilka shacabku u doortay.

maayarkii horeMaayarkii hore ee Caasimadda Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in muddadii uu xilka maayarnimada caasimadda hayey ay hirgaleen waxqabadyo badan kuwaas oo uu tilmamaay inay ugu qabsoomeen sidii la rabay, isaga oo maayarka cusub ku wareejiyey xogta wax-qabadyadiisa iyo heerka ay marayaan.

maayarka CusubMaayarka Cusub ee Caasimadda Eng Yuusuf Warsame Siciid oo isaguna madasha xil-wareejinta ka hadlay, waxaanu soo dhaweeyey xilka lagu wareejiyey isaga oo ballan-qaaday inuu sii ambaqaadi doono waxqabadka maamulkii ka horeeyey isla markaana uu Caasimadda Hargeysa gaadhsiin doono horumar lagu xusuusto.

maayarrada_xilwareejintaUgu dambayntii, wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyey maayarka cusub Eng Yuusuf Warsame Siciid iyo Maayarkii hore Eng Xuseen Maxamuud Jiciir.

Eng Yuusuf Warsame Siciid, ayaa noqonaya maayarkii labaad ee Caasimadda Hargeysa yeelato, tan iyo 2002 oo Somaliland ay ka hirgashay nidaamka Doorashada shacabku codkooda ku soo doorto Golayaasha deegaankooda.

SOMALILANDPOST.NET