Maayarka Caasimadda Somaliland oo Soo Bandhigay Qorsheyaasha Wax-qabad ee u Dejisan Bishan December (Waxa uu ka hadlay Go’aanka Shirkada Qashinka + Dhismaha Garoomo Ciyaaraha Ah Iyo Jardiinooyin + Qurxinta Jidadka)

Hargeysa (SLpost)- Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Md: Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa soo bandhigay  waxqabadka u qorsheysan inay Dawladda Hoose ee Hargeysa ka qaban doonto bishan December, kuwaas oo ay ka mid yihiin qorsheyaal la xidhiidha qurxinta iyo hagaajinta bilicda magaaladda Hargeysa.

Maayarka Caasimaddu waxa kale oo sheegay inay jirdiino weyn ka samayn doonaan badhtamaha magaaladda Hargeysa, gaar ahaan agagaarka Cusbitaalka Hargeysa, isagoo dhinaca kalena baaq u diray dadka ku ganacsadda jidka hormara Cusbitaalka Hargeysa hareerihiisa inay ka guuraan, maadaama oo marmar iyo qurxin laga samaynayo jidka hormara cusbitaalka guud.

soltelcoSidoo kale sheegay inay maalinta Salaasada ah ee toddobaadkan uu Golaha Degaanka ee Caasimaddu go’aan ka soo saari doonaan shirkaddaha Qashinka ka gura magaalada Hargeysa ee ku guuldaraystay inay buuxiyaan ama ka soo baxaan shuruudo lagu xidhay shaqadooda, iyadoo muddadii loo qabtay inay shuruudahaas ku buuxiyaan ay maanta oo Axad ah ku egayd.

Waxa kale oo uu Maayar Cabdiraxmaan Soltelco shaaca ka qaaday inay bishan gudaheeda dawladda hoose ee Hargeysa u imanayaan gaadiid kale oo ay soo iibsadeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin laba gaadhi oo waaweyn oo iska rogooyin ah, Buldhowsars, saddex Rugley, hal Garaydher ah iyo hal xabo oo gaadhigii weynaa ee qaadayey cagafyada kolba marka meel loo rarayo.

Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid waxa uu sidaas ka sheegay mar uu shalay xafiiskiisa ugu waramayey warbaahinta, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “maanta waxaanu shirka jaraa’id u qabanay in aanu ka sheegno waxqabadka bishan December noo qorshaysan oo ah horumarinta iyo bilcda magaaladda Hargeysa,  Maalinta salaasada ah waxa shir iskugu iman doona dhamaan xubnaha golaha deegaanka oo laba qodob lagu ansixin doono, labadaa qodob oo ah shirkadaha qashinka ah oo sida aad la socotaan dhibaato badan ku haya caasimada, waxaad ogtihiin inuu qashinku dhibaato badan ku yahay magaaladda, isla markaana dadkii ka cabanayaan,sidaa darteed, waxaanu u samaynay shuruudo ah inay buuxiyaan oo aanu wakhti ku siinay oo wakhtigana mar labaad u kordhinay oo ah in shirkad waliba ay la timaado degmadiiba shantii degmo ee Hargeysa min todoba gaadhi oo ah shirkada Sabowanaag oo maamusha Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe iyo Suuqa dhexe waxa looga baahan yahay oo aanu ku xidhany  inay keensato 17 gaadhi si hawshu u kala fududaato, shirkadda TABSAN oo maamusha Gacan-libaax waxaanu ka sugaynaa 7 gaadhi, shirkadda DhIS oo maamusha 26-ka June waxa aanu ka sugaynay 7 gaadhi, Shirkadda KEEPS waxaanu iyadana ka sugaynay 7 gaadhi oo iyadu haatan keentay, shirkadda Tabsana ay subaxda keenayso, labada shirkadood ee kalena wali wakhti balan may qaban, balse kama dambaysta (deadline-ku) waa barri (maanta) galinka dambe, shirkadii aan keenina waxa la keenayaa shirkaa goluhu qabanayaan iyo xeerkii ganaaxa iyo ciqaabta cidii khashinka wado ku qubta, gaadhiga aan shirkaduhu si fiican u shiraacin ee khilaafa xeerkii faya-dhawrka oo dhan oo xeerkii ay golaha deegaanku ansixin doonaan maalinta Salaasada ah, labadaa qodob ayaanu hordhigi doonaa golaha deegaanka”

Maayar Soltelco waxa uu sheegay inay bishan u qorshaysan tahay inay degmooyinka Hargeysa ka hirgaliyaan Garoomo kubadood oo iskugu jira kuwii Cagta iyo gacantaba, waxaanu yidhi “ waxa kale oo aanu bishan December qorshaha noogu jirta mashaariicda lagu horumarinayo Ciyaaraha oo aanu ugu tallogalnay inay degmo kasta hesho Karoomo ku filan, anaga oo ka jawaabayna baahidda dhalinayarada Hargeysa haysta iyo Garoomo la’aanta,  Garoomadda aanu dhisayno waxa ka mid ah Garoonka  Dugsiga Sheekh Cali Ibraahim waxaanu u samaynaynaa garoonkiisa Kubadda Gacanta oo ka jajaban inaanu u dhisno iyo Garoonka kubadda Cagta, Garoonka Shuraac oo laga bixiyey Beerta ilmo shuraac bixiyeen dhul garoon laga dhigo waanu banaynaa oo dayr ku wareejinaynaa si loogu ciyaaro , Xaafadda Star  waxaanu u samaynaynaa Garoon, Garoonka Quulo Aadan ee Basket-ka oo isna jajaban in aanu dib u dhisaynaa, dhalinyartii waxay ka codsanayeen dadweynaha in garoomo loo dhiso, laakiin anagaa uga soo horeynay oo u dhisi doona garoomo badan, waxa kale oo aanu samayn doonaa laba saldhig oo bishan aanu dhisi doonno, qandaraaska dhismayaashan (Bid) maanta ayaanu warbaahinta ku soo bandhigi doonaa.”

Mar kale Maayarka oo ka hadlay dib u dhiska wadooyinka caasimadda ee Roobabku burburiyeen waxa uu yidhi “waxa kale oo aanu wax ka qaban doonaa wadooyinkii roobabku waxyeeleeyeen, badhna waa la sameeyey ilaa toddoba kalena waanu dhisaynaa bishan December oo shaqadoodu bilaabi doonaa maalinta Axadda ee burrito (maanta), wadooyinkaasi oo kala ah Cabaaye, Togdheer, xero Awr, Octobar, biibsiga iyo Maxamuud Axmed Cali iyo wadada dambe ee dhakhtarka dabadiisa marta, wadooyinkan waxaan doonaya inay warbaahintu nagala qaybqaato wacyigelinta dadweynaha, waxa jirta wadadda hor marta Faarax Oomaar ee tagta Saldhiga dhexe oo culayska ka qaadi lahayd wadadan hal bawlaha ah ee saxmadda badan waxa ku soo durkay guryo oo labaddii haad waxay isku noqdeen hal haad, waxaanan leeyahay mulkiilayaasha leh guryahaasi  inay nagala qaybqaataan in danta guud la hagaajiyo si loo sameeyo waddo saddexaad oo culayska ka furata waddadan koowaad”

Maayarka Hargeysa ayaa dadweynaha ugu balanqaaday inay samayn doonaan jardiimooyin nasasho oo Hargeysi yeelato, kana qayb-qaata bilicda magaalada, waxaanu yidhi “ waxaanu bishan December samayn doonaa Jardiinadii koowaad ee Hargeysa laga sameeyo oo aanu ka samayn doono wasaaradda caafimaadka horteedda, jardiinadaasi iyo marmarkii oo ku xidhan, waxa lagu wareejin doonaa Cusbitaalka, inta badan warbaahintu waxay u hadashaa danyarta, waa run waa loo baahan yahay laakiin danyarta laftoodu dhibaato ayey ku haysaa waddooyinka oo waxaad arkaysaa Cusbitaalka guud oo ahayd in laga ilaaliyo buuqa iyo saxmada in meherado yaryar laga wada ag dhisay, waana meesha aanu doonayno in aanu jardiimooyinka ka samayno ee waa inay ka guuraan oo ilaa khamiista la gaadhayo, waxaanu ka fulin doona hawlo aanu ku hagaajinayno, Cusbitaalka gabigiisaba waxaanu ku wareejinaynaa marmar, Cusbitaalka waxaanu dhigaynaa laba Parking oo la istaagi karo oo aanu u calaamadin doono oo basku istaagi karo. Waxa kale oo aan dadweynaha u sheegaynaa waxaanu bilownay marmarkii meheradaha la dhigayey ee ay dadku marayeen, waxaana imika ku daraynaa wadooyinka koonfur iyo waqooyi u kala baxo oo aanu marmar dhigi doono in aanu Sakad sakad ganacsatadu isku xidhno, waxaanuna bixin doonaa qandaraaskii shirkadihii dhisi lahaa si hawshu u kala socoto, waayo marmarkaasi hore shirkad baa ku guulaysatay, waxaa kale oo aan idiin sheegayaa in bishii hore aanu soo iibsanay laba Gaadhi oo iska rogooyin aad u waaweyn oo aanu kaga raysanay Baabuurtii aanu kiraysan jirnay, waxa bishana noo imanaya  laba gaadhi oo iyaguna iska rogooyin ah , Buldhowsar, saddex Rugley, xabad Garaydher ah iyo hal xabo oo gaadhigii weynaa ee qaadayey cagafyada kolba marka meel loo rarayo, qalabkaas oo naga caawin doona dhismaha waddooyinka.”

Somalilandpost.net