Maayarka Caasimadda oo Go’aan ka soo saaray Shaqaalaha Ajaanibka ah ee ka Shaqeysta Hargeysa

 

Hargeysa (SLpost)- Maayarka Magaalada Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono Dadka Ajaajibka ah ee Sharci la’aanta kaga shaqeeya Meheradaha ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Duqa magaalada Hargeysa, ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Hargeysa  oo maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in iyagoo fulinaya Amarka Wasaaradda Shaqo-gelinta ee Arrimaha Bulshada ay tallaabo ka qaadi doonaan Shaqaalaha ajaanibka ah ee Sharci-darrada kaga shaqaysta Hargeysa.

“Annaga oo fulinayna amarka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, Meherad kasta oo ay ka shaqaynayaan Shaqaale ajaanib ah waa in Maamulada degmooyinka Caasimaddu hubiyaan in Shaqaalaha Ajaanibka ahi haystaan Waraaqihii Sharciga ahaa ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, taasi oo noqonaysa qof kasta oo muwaadin ah oo Meherad furtay oo Shaqaale Ajaanib ahi u shaqeeyaan la ganaaxi doono, haddii Qofka ajaanibka ah ee u shaqaynayaa aanu soo qaadanin Warqadda sharciga ah,” Sidaas waxa yidhi Maayarka SOLTELCO.

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE

https://www.youtube.com/watch?v=E3SsYTMYiSI