Maayarka Caasimadda Oo Ballan-qaadyo Mushaharkiisu Ku Jiro Ugu yaboohay Dhismaha Wejiga labaad ee Waddada Isku xidha Hargeysa ilaa Sallaxlay

MAAYARKA CUSUB
MAAYARKA CUSUB

Hargeysa (SLpost)- Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) ayaa ku dhawaaqay inay dawlad hoose ahaan diyaar u yihiin ka qayb-qaadashada tabarucaadka waddada Hargeysa iyo Sallaxlay dhanka agabka, dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee looga baahdo, waxaanu sidaas ku caddeeyay mar uu maanta ka hadlayay bilawga sees-dhigga wejiga labaad ee laamida isku xidhaysa Hargeysa-Sallaxley-Ina Guuxaa oo saaka munaasibad ballaadhan loogu qabtay deegaanka Hundulli oo ka tirsan Sallaxlay.

Maayar C/Raxmaan ayaa yidhi “Ugu horreyn waan ka cudurdaaranayaa habsankayga oo shaqadii dawladda Hoose ayaa dib ii dhigtay. Diyaar ayaannu u nahay inaanu waddada u soo dirno booyadda daamurka, dhanka taageerada kalena waxa aan idiin sheegayaa in aanan ka yarayn doonin kabkii uu Maayar Jiciir bixin jiray”

Md Soltelco ayaa u mahad-celiyay ganacsade Ganacsade Cumar Caydiid Axmed iyo ururka Gaaroodi oo gacan weyn ka geystay hirgelinta jidkan waxaanu yidhi “Runtii iyagana waxa aan u mahad-celinayaa Ganacsade Cumar Caydiid Axmed iyo Ururka Gaaroodi oo uu deegaankani dheer yahay Somaliland inteeda kale”.

Isaga oo weedh kaftan ah maayarka Hargeysi u jeedinaya bulshada Hargeysa iyo Sallaxlay ayaa waxa uu yidhi “Doorashadii hore ee Golaha Deegaanka marka la yidhaahdo xaggee ayay ku nool yihiin 32,000 cod ee Sallaxlay ka soo baxay UCIDna ku guuleystay waxa aan odhan jiray Gaaroodi ayay nool yihiin”

Maayarka ayaa ballan-qaaday inay dhisi doonaan shan kiiloomitir oo jidkan ah iyagoo kaashanaya wasaaradda duulista waxaana erayadiisii ka mid ahaa “Waan dareemayaa culayska ay leedahay waddo la sameeyaa, jidad badanna gacanta waannu ku haynaa, shanta kilo mitir ee magaalada u dhawna qorshe iskaashi ayaannu ka yeelan doonnaa annaga iyo wasaaradda duulistu waanan dhammayn doonnaa haddii Alle idmo”

Ugu dambayntii Maayar C/Raxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Yoon, Axmed Siyaad Muxumed iyo Axmed-daahir ayaa waddada Hargeysa iyo Sallaxley ugu deeqay mushahar hal bil ah.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com