Maayarka Caasimadda Oo Baaq U Diray Culimada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa ugu baaqay Culimada reer Hargeysa inay maalinta Khamiista ee toddobaadkan oo ku beegan 18-ka bishan oo Bisha Ramadan bilow tahay ay isugu yimaaddaan shir muhiim ah lagaga tashanayo sidii deyr loogu sameyn lahaa Dhul dhowaan ay golaha Deegaanka Hargeysa u asteeyeen inay noqdaan Xambaalo.

Khudbada Maayarka Caasimada HARGEYSA & kulankii STOCKHOLM-Sweden.mp4_snapshot_01.24_[2015.04.26_23.41.26]Qoraal uu Maayarka Hargeysa ku faafiyay boggiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in Masuuliyaddooda ay tahay in la helo dhul laga dhigo Xabaalo, sidaas darteedna aan loo baahnayn dhul cusub oo loo iibiyo sidii ay Xabaalo u noqon lahaayeen, waxaanu qoraalka Maayarka oo dhamaystiran u qornaa sidan:

“Masuuliyadda xabaalaha waxaa iskaleh golaha deegaanka oo aan anigu hormood u ahay, waxaananu u astaynay Dhul, sidaas darteed Culimadda waxaan ka codsanayaa in ay shir isugu yimaadaan maalinta Khamiista 9:30 subaxnimo, hadii Alle yidhaahdo, si aynu uga wada hadalno calaamadintooda, cidii dhaqaale u haysaana dayr sidii loogu samayn lahaa, maanta uma baahna dhul loo iibiyo oo golaha deegaanka Hargeysa, ayaa u haya dhulkii.”

Somalilandpost.net