Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Maayarka Turku Ee Finland

Hargaysa(SLpost) Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa maalintii shalay xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka Magaalada Qadiimiga ah ee Turku ee wadanka Finland oo dalka booqasho ku yimid.

Cabdiraxmaan-Soltelco-300x300

Weftigan reer Finland oo ka kooban saddex xubnood, ayaa booqan doona qaar ka mid ah Degmooyinka Dalka, isla markaana xidhiidh wada shaqayn la yeelan doona Goleyaasha Deegaanka ee Somaliland. Maayarka Hargeysa oo markii uu kulanka la yeeshay ka dib warbaahinta u waramayey ayaa yidhi “Maanta waxa xafiiskayaga ku qaabilnay wefti ka socda wadanka Finland oo ah saddex xubnood, oo kala ah Gudoomiyaha Golaha Deegaanka,  ahna Maayarka magaaladda  Turku oo  ah magaalo Qadiimi ah oo  ah caasimadii hore wadanka Finland, waa magaalo sideed boqol oo sanno ka hor la dhisay, waxaanay sannadkii 2012-kii noqotay magaalada dhaqanka ee wadamaddaYurub” ayuu yidhi Maayarka Hargeysa oo ka hadlayey weftiga u yimid, waxaana uu intaas ku daray “Weftiga waxa la socda Rooda Xasan oo reer Somaliland ah oo iyaduna ah maayar ku-xigeenka ahayd magaalada, imikana xubin ka ah Golaha Deegaanka magaalada, , iyo gabadh ka socota Green Party midowgaYurub oo iyaduna Arrimaha Dibada kulan la yeelatay, waxaana uga mahad celinayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo nagala shaqeeyay hawshan baddankeeda , waana markii ugu horaysay oo uu yimaado Maayar ka socda wadamada Yurub wax baddana waanu ka wada hadalnay, waxyaalaha aanu ka wada hadalnay inaanu xidhiidh fiican wada yeelano, isla markaana naga gacan siin doonaan sida Qashinka loo maamulo iyo Biyaha, waxa kale oo ay soo eegi doonaan Degmooyinka wadanka, nagala balanqaaday inay wadankeena u noqon doonaan marin si adduunka siyaasadaheena inooga caawiyaan” ayuu yidhi.

Maayarka magaaladda Turku ee wadanka Finland Md:Seppo Lehtinen ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay soo booqdaan wanka Somaliland, isla markaana xidhiidh wanaagsan dhexmaro, isagoo Maayarkana ku booriyeyi nuu Samir, dedaal iyo waxqabad la yimaado si uu labaatan sanno uu maayar u noqdo. Sidoo kale, waxa isaguna goobjoog ka ahaa kulankan Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose Mawliid Cabdilaahi Weris. Intaas ka dib Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Soltelco ayaa qado sharaf ugu sameeyay wafdigan Maansoor Hotel, isagoo sidoo kale waftiga ka guddoomay abaal-marin qaali ah.

Somalilandpost.net

Hargeysa