Maayarka Burco Oo Reer Boorama Ku Dhaliilay Inay Sheegtaan Caasimada Labaad Ee Somaliland iyo Xifiltanka Labada Magaalo

Burco(SLpost)-Maayarka Burco Maxamed Muraad ayaa bilaabay xifiltan la xidhiidha caasimada labaad ee ay Burco tahay, waxaanu reer Boorama ugu baaqay in aanay sheegay caasimada labaad iyada oo ay Burco wakhti dheer taas soo ahayd.

Maayar Maxamed Muraad oo dadka reer Burco ku dhiiri galinaayay qaadashada kaadhka codbixinta ayaa sida oo kalena dhaliilay wax uu u tilmaamay in reer Boorama ay sheegtaan caasimada labaad ee Somaliland.

Waxaana isaga oo arintan ka hadaayay uu yidhi “Cidbaaba sheegatay magaalo madaxdii labaad ee ilaa Ingiriiskii aynu lahayn, gabadh nin qabo oo halkaas shuurinaysa hadaad iska caashaqdo waa mashaakil, qolada iska cashaqday magaalo madaxdii labaad oo aanay lahayn, Burco laguma muransana inay tahay magaalo madaxdii labaad ee Somaliland dastuurka ayay ku taalaa, reer Boorama Waxaanu leenahay waxyaabo badan oo amaan ah ayaanu idiin haynaa waa gobalkii nabadgalyada iyo kii aqoontaanu nidhaahnaa,hadii maanta aad doonaysaan magaalo madaxdii labaad waar helimaysaan, waxyaabo kale aanu idinkala doono Somalilandta.”