Berbera, (SLpost)- Madaxwayne Ku-xigeenka  Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa shalay xafiiskiisa shahaado sharaf ku guddoonsiiyay Maayarka  Magaalada Barbara Cabdi Shakuur Maxamuud Cidin.
Shahaado sharaftaasi oo la sheegay in uu maayarka Berbera ku mutaystay in maamulka dawladda hoose ee magaaladda Berbera ay si fiican u fulisay mashruuca maamul daadejinta ee loo yaqaano JPLG gaar ahaana dhinaca horumarinta waxbarashadda.
Gudidda wasiirrad ah ee gacanta ku haya hawlaha mashaariicda  maamul daadejinta magaalooyinka oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),  oo shalay shirkoodii 16-aad ku yeeshay xarunta madaxtooyadda ee magaaladda Hargaysa.
Waxaana shirkaasi  ka soo qayb galay   xubnaha gudidda maamusha mashruuca JPLG  Wasiirro, Agaasimayaal guud iyo Maayarada degmooyinka  lagu bilaabay tijaabada mashruuca maamul daadejinta.
Magaaladda   Berbara oo ka mid ah degmooyinka lagu bilaabay tijaabadda  mashruuca maamul daadejinta magaalooyinka iyo  waxbarashada ayaa loo aqoonsaday inay noqotay degmada ugu keliya ee sida  fiican u fulisay hawshii loo qorsheeyay.
Madaxwayne ku xigeenka   ayaana halkaasi shahaado sharaf ku  gudoonsiiyay   maayarka Berbera  uu Cabdi Shakuur Maxamuud Cidin, shahaadadaasi oo lagu tilmaamay in ay tahay mid uu ku mutaysatay Maayarka  degmada Berbera hirgelinta mashruucasi tijaabadda ah.
Cabdi Shakuur Maxamuud Cidin, oo isagu hogaaminaayey maayaradii lagu tijaabiyey maamul daadejinta, ka dib markii uu sidii la rabay uga soo baxay ugana dhex muuqday guud ahaan gobolada dalka.
C/raxmaan  Saylici, oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa maayaradda kalena ku  dhiiri geliyay   in ay horumar  sameeyaan,  kuna daydaan maayarka Berbera  si ay bulshadu u hesho adeeg hufan oo ku filan, dalkana u noqda bilic iyo waxqabad muuqda oo dhaxal gal ah.
Kulamadda   gudidda hogaamisa mashruuca JPLG   oo ah  mid ay inta badan ku tartamaan maayaradda magaalooyinku ayaa bishan loo aqoonsaday maayarka Berbera in uu noqday masuulkii  sida wanaagsan uga midho dhaliyay mashruucaasi.