Maayarka Berbera oo ka jawaabay Eedaymo Musuqmaasuq oo loo jeediyey

Berbera (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka degmada Berbera ahna duqa caasimadda gobolka Saaxil, Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), ayaa iska fogeeyey eedaymo musuq-maasuq oo bulshada magaaladaasi ugu jeedisay inuu lunsaday dhul danguud ah isla markaana uu ka iibiyey dad gaar ah.

Cabdishakuur Ciddin oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, waxa uu gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymahaas loo jeediyey isagoo isku difaacay inaanay jirin dhul dan guud ah oo uu cid ka iibiyey.

Haddaba, warkan oo faahfaahsan ka daawo muuqaalkan Hoose

https://youtu.be/DLW-smgcOso