Maayar-xigeenka Hargeysa oo La Kulmay Maayarka Shiffield

England(SLpost)-Maayar ku xigeenka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) oo in dhawaydba hawlo shaqo u joogay Dalka Ingiriiska ayaa kulan balaadhan la qaatay Maayarka Sheffield Mr Talib Hussain kaas oo ka dhacay hoolkii ay golaha deegaanka Sheffield ku aqoonsadeen Somaliland.

Kulankan ayaa ku salaysnaa martiqaad rasmi ah oo uu maayar ku xigeenka Hargeysi ka helay maayarka Sheffield, waxaanay ka wada hadleen sidii ay u wada shaqayn lahaayeen labada magaalo ee Hargeysa iyo Sheffield laysagana kaashan lahaa sidii xidhiidh joogto ah u dhex mari lahaa golaha deegaanka Caasimada Hargeysa iyo Golaha Deegaanka ee Sheffield.

Qodobadii ay maanta isla soo qaadeenna waxa ka mid ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa arrimaha biyaha, Caafimaadka iyo kaabayaasha arrimaha bulshada ee dhinaca Somaliland oo uu u gudbiyey maayar ku xigeenku maayarka sheffield Mr. Talib Hussain, waxaanu balan qaaday in uu gacan ka geysan doono sidii golaha deegaanka caasimadda Hargeysi u noqon lahaayeen kuwo xidhiidh toosi ka dhaxayn doono golihiisa kana caawin doonaan wixii la xidhiidha dawladaha hoose iyo kaabayaasha arrimaha bulshada ee ay ka wada hadleen maayar ku xigeenka sida biyaha, Caafimaadka IWM.

sidoo kale waxa maayar ku xigeenka Hargeysa kormeer lagu geeyey dhawr goobood oo ay ka mid tahay Hool lagu magacaabo Mandela Holl iyo goobo taariikhi ah oo ku yaala Sheffield.

Kulankan uu maayar ku xigeenku ku joogo sheffield ayaa noqonaaya kulankiisii labaad isaga oo hore ula kulmay maayarkii ka horeeyey kan uu maanta la kulmay ee Mr Talib isaga oo mudane Cabdicasiis hore ula kulmay maayar Vickie oo iyadu hore u hogaamin jirtay golaha deegaanka ee shiffield balse doorashadii golaha deegaanka Sheffield ay ku soo baxeen maayarkan danbe iyo golahan hada talada hayaa taas oo keentay in uu mar kale soo noolaado xidhiidhkii labada golle deegaan.

Ugu danbayna waxa uu maayar ku xigeenka Hargeysu u mahadnaqay maayarka sheffield iyo golihiisa deegaanka ee sidii sharafta iyo milgaha lahayd u soo dhaweeyey una qaabiley, sidoo kalena waxa uu Cabdicasiis Cagaweyne uga mahadnaqay golaha deegaanka ee Shiffield aqoonsigii ay aqoonsadeen qaranimada Somaliland ee ay uga badheedheen una noqdeen golihii u horeeyey ee aqoonsada Somaliland kuna daydeen kuwo kale oo badani, nasiib wanaag maantana ay noqdeen golihii u horeeyey ee caawiya ama barbar istaaga golaha deegaanka Caasimada Hargeysa. “Waana wax lagu farxo oo ku dayasho mudan” ayuu yidhi maayar ku xigeenku, sidoo kale waxa uu u sheegay in qof walba oo reer Somaliland ahi uu ku hamiyaayo wixii uu ugu abaal gudilahaa golaha deegaanka ee sheffield idiin hayaana karaamo iyo sharaf.